Sunday, January 5, 2014

Al-shabaab oo Afduubtay sarkaal u shaqeeya WHO


Baydhabo(GNA)-Ururka  Al-shabaab ayaa gacanta ku dhigay sarkaal u shaqeeya Hay’adda Caafimaadka adduunka u qaabilsan caafimaadka ee WHO, kaasoo hay’adda u qaabilsanaa degmada Buur hakaba ee gobolka Bay.




Sarkaalkan  oo ah nin soomaali ah ayaa magaciisa lagu soo koobay Dr. Haashimi, waxaana laga qafaashay deegaan lagu magacaabo Liimaale oo ku dhow degmada Buur Xakaba.




Al-shabaab ayaa hore deegaamada ay ka taliso uga madnuucday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka ka shaqeeya.




Sarkaalkan ayaa Xiliga la qafaalanayey waxa uu deegaanadaasi ka waday Olole caafimaad oo ah Talaalka lixda cudur ee dilaaga ah iyo dabeysha.




Lama oga illaa hadda halka rasmiga ah ee loola dhaqaaqay sarkaalkan inkastoo ay jiraan warar sheegaya in loo kaxaystay degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo weli ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.




Waa qofkii ugu horeeyay ee Hay’addaha ajaanibka ah u shaqeeya ee lixdii bilood ee ugu dambeeyay kooxaha xagjirka lagu tiraya gacantooda gala.