Pages

Tuesday, December 10, 2013

Somaliland:Xuska Maalinta Xuquuqal Iinsaanka iyo Dibad-baxyo Sawir lagu lamaaneeyay


"Xukuumadda oo Keligeed dhigatay Xaflad  Hal-ku dhig looga dhigay Ilaalinta Xuquuqdu waa jiritaanka Aadamaha"Warbixin








 



Hargeysa(GNA)-Dibad baxyo isbarbar socda ayaa ka dhacay maanta Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.




Mudaharaad dareen muujin lagu lamaaneeyay Ficil muujinaya cabasho ka dhan ah Tacadiyada iyo Saxaafadda, ayay isugu soo baxeen Bahda Warfidiyeenadda ka hawl-gala Caasimadda Hargeysa.




Dareen muujintaasi oo ku dhacday si nabad-gelyo ah ayaa waxa ka qayb qaadanayay Wariyeyaal tiro badan oo uu ka dhex muuqday Xoghayaha Guud ee Ururka Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax. 




Suxufiyiinta ayaa maro cad afka ku soo xidhay, isla markaana laga dheehanayay wajiyadooda iyo dareenkooda, sida ay uga xunyihiin dhibaatada joogtada noqotay ee ay dawladdu ku hayso warfidiyeenada Madaxbanaan.




Talaabadan ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii ay xukuumaddu jeelka ka soo saartay afar wariye oo todobaad u xidhnaa, kuwaasoo Masuuliyiin xukuumadda ka tirsani damaanad ku soo daayeen, si uga badbaado xukuumadddu dhaleeceyn 10 December looga soo jeediyo.




Suxufiyiintaasi ayaa qayb ka ah tiro wariyeyaal Xukuumaddu doonayso inay caddaadis dheeraad ah saarto, waxaana la sheegay ka sekow 4 shalay la soo daayay, isla xili yar ka dib shalay la taxaabay afar kale oo hawlo-shaqo iyagoo gudanaya la xidhay.




Todoba suxufi oo kale ayaa la sheegay inay Hay’addaha amnigu doonayaan inay qabtaan, laakiinse wali ma cadda kuwa ay yihiin iyo sababta loo xidhayo.




 







Dhinaca kale, Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID, ayaa Maanta Taageerayaashiisu isugu soo baxeen xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa.




Masuuliyiin sar sare oo ka mid ah Madaxda Xisbiga ayaa kula hadlay fagaare kooban oo halkaasi laga sameeyay dadweyne isugu soo uruuray.




Ciidamo bilays ah oo xad dhaaf ah ayaa xalay la geeyay xarunta xisbigaasi, si looga hortago isku day dibad bax balaadhan oo ay ku fooganaayeen.




Ciidamadaasi ayaa xalay lagu wareejiyay xarunta xisbiga, hase ahaatee mudaharaadka xisbiga Ucid ayaa u dhacay sit eel teel ah oo aanay ka madhnayn carqalada xukuumaddu ku samaysay.




Labadan dhinac ee saxaafadda iyo Xisbiga Ucid ayaa ka cabanaya talaabooyin xad gudubyo ah oo lagula kacay sanadkan sii dhamaanaya, waxaana ka mid ah Weerarkii Wargeyska Hubaal lagu qaaday bishii 4-aad ee sanadka oo aan ilaa hada cadaalad helin, cadaadis xisbiga ucid la saaray dhaqdhaqaaqiisa siyaasaddeed iyo xadhiga wariyeyaal wali qaarkood ku xidhan yihiin xabsiyada waddanka.




Cali Aare oo ah Suxufi ka hawl-gala Magaalada Boorama ayaa maanta oo loo dabaal-degayo maalinta xuquuqal iinsaanka Adduunka ku xidhan Xabsi ku yaala Boorama maalintii todobaad.




Wariyeyahaasi ayaan ilaa hada maxkamad la hor keenin, waxaana la sheegay inuu u xidhanyahay Maayirka Boorama Mr Saleban.




Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkan maanta dhacay ayaa ku soo beegmaya xili ay xukuumadddu gaar u xustay maalinta Xuquuqal iinsaanka ee 10 December.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay maalintaasi oo ka dhacday hudheelka Maansoor.




Munaasibaddaasi ayaa looga dhawaaqay in difaacista Xuquuqda Aadamuhu ay tahay laf-dhabarta jritaanka Aadamaha, taasoo ahayd Hal ku-dhiga sanadka ee xuska Maalintan.




Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Hay’addaha Xukuumiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka, Madax sar sare ee  Garsoorka iyo masuuliyiin kale oo ka socda hay’adda dawladda la shaqeeya, ayaanay ka soo qayb gelin asxaabta Mucaaridka ah iyo Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Madaxbanaani.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com