Sunday, December 8, 2013

Somaliland: Boobe oo Xukuumadda Eeddeymo kulul iyo Cambaareyn u jeediyay.Daawo


“Maamuladii somaliland soo maray waa kii ugu tacadiga badnaa Maamulka Siilaanyo.."Hoos ka Daawo.




Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Xukuumadda Siilaanyo, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga iyo tacadiyada kale ee ay xukuumadda talada haysaa kula kacday wariyeyaasha xidhan, aqoonyahan Jiir iyo xisbiyada Mucaaridka ah.




Boobe ayaa sheegay inay xukuumadda siilaanyo tahay tii ugu badnayd ee Tacadi u geysata Rayidka iyo dadka Mageynada ah.




“Maamuladii somaliland soo maray waa kii ugu tacadiga badnaa Maamulka Siilaanyo.




Waxaanu cambaareynaynaa xadhiga wariyeyaasha, aqoonyahan jiir iyo dadka kale ee xidhan”.ayuu ku yidhi shir jaraa'id oo uu maanta qabtay.




Waa markii ugu horaysay ee Boobe si toos ah uga soo muuqdo shaashadaha Telefishanada ee uu xukuumadda ka dhaliilo afartii bilood ee ugu dambeeyay.




Hadab halkan ka daawo, shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa..








 




Cabdiraxmaan Fantastic




Gobanimonews/ Bulshotv




Reporter/ Hargeysa