Hargeysa(GNA)-Koox Fanaaniin ah ayaa la sheegay in todobaadkii la soo dhaafay laga baajiyay Safar ay ugu bixi lahaayeen Magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya, ka dib markii ay shaqo la’aan ugu busaaradsadeen Somaliland.
Fanaaniin badan oo cusub iyo kuwo ka jooga Kooxihii hore ee fanka Somaliyeed ayaa ku nool Magaalada Hargeysa iyo Goboladda kale ee dalka, kuwaasoo qaarkood gunnooyin lacageed oo faro guudkood ah ka qaataan dawladda, qaarna aanay wax dhaqaale ah helin.
“wax shaqo ah gacanta kuma hayno, waanu soo toosnaa , dabadeedna suuqa ayuunbaanu iska joognaa, waxa yar aanu wasaarrada dhaqanka ka qaadanaana waxba dhaqaale nooma noqon karaan, barmaamujyona ma qabano”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay mid ka mid ah Fanaaniinta ku nool Magaalada Hargeysa.
Koox Faneedkan laga baajiyay tegitaankooda Muqdisho oo isugu jiray Hoobalo iyo Abwaaniniin waaweyn, ka mid ahaa sida la sheegay Aadan Tarabi oo ka mid ahaa Suugaanyahanadii dhexe ee somaliya, haatana ku nool somaliland.
Waxa kale oo ka mid ahaa sida ay gobanimonews wararka ku heshay shan hablood oo ka mid ah Hormuudka fanka somaliland,waxaana safarkooda iska hortaagay oo baajiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Xukuumadda Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ,kaasoo ku qanciyay inay waddankooda joogaan.
Inkasta oo ay fanaaniintaasi ka baaqdeen socdaalkooda, hadana qaar ka mid ah oo wariyeyaasha Gobanimo la hadlay ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn joogitaanka dal aan lagu ixtiraameyn, isla markaana loo qaabeyn doorkii ay ku lahaayeen.
“Barmaamujyadii aanu qaban lahayn, haday tahay wacyi gelinta iyo haday tahay kuwo kale oo dadka lagu baraarujinayoba waxa qaatay NGO-yo waxay qabanayaan jirin, taasina waxay meesha ka saartay xataa gaadhsiintii wacyi gelinta ee Bulshada”sidaasina waxa yidhi Raaboow oo ka mid ah Fanaaniinta Da’ada yar ee ka qayb-galay tartan suugaaneedkii Heesaha hir-gelay ee 2005-tii lagu qabtay Hargeysa.
Dhawaan ayay ahayd markii Waaxda dhaqanka iyo suugaanta la hoos geeyay Wasaaradda Warfaafinta, halka bilowgii xukuumadda laga soo bedelay wasaaradda dalxiiska oo ay ka tirsanayd, dabadeed la hoos geeyay dhalinyarada iyo ciyaaraha, hadana loo bedelay Warfaafinta.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Dawladda oo la xidhiidha arrintan, balse waxa muhiim loo arkaa in qorshe shaqo loo abuuro Bahweynta Suugaanta oo ilaa hada Dawladdu daawaneyso duruufaha dhaqaale iyo nololeed ee ku gedaaman.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com