Pages

Tuesday, November 12, 2013

Roob Xidhiidha ah oo Maalintii labaad Ka Da’aya Boorama oo Hakad Galiyay Dhaqdhaqaaqa bulshada


12-11-2013-Boorama-(GNA) Waxaa maalintii labaad roobab xidhiidha oo lagu diirsaday ay ka da’ayaan magaalada borama iyo deeganada hoos yimaada sida degmada lughaya  roobkan oo bilowday maalintii shalay ahayd ayaa ilaa maanta oo ah maalintii labaad si xidhiidh ah oo aan joogsi lahayn uga da’ayo 




Roobkan ayaa ah mid si caadiya iskaga da’aya oo aanlahayn wax dabaylo ,onkod iyo dhibic wayn toona kaas oo sida mayayga u da’aya ,roobkan xiligan oo kale da’aya ayaa waxa la yidhaahdaa Xays waxa uuna inta badan sida caadiga ah ka da’aa roobab xoogani degaanada xeebaha ku teedsan.




Si kastaba ha ahaatee roobkan maalintii labaad ka da’aya magaalada Boorama ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay habsami u socodkii waxbarashada iyo isku socodka dadka iyada oo gabi ahaanba maanta la fasaxay dusgiyada hoose iyo sare sidoo kale waxa ay dadku intooda badan ku hoos jiraan guryahooda marka laga reebo dadwayne yar oo  suuqyada ku ganacsada iyo arimaha duruuriga ah u baxa ee shaqooyinka caadiga ah




BY:Wariye Mustafe Caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office/somaliland