Pages

Tuesday, November 12, 2013

Justin Brady: Shaqo Badanbaan ka qabtay Somaliland intaan joogay"


Madaxa Arimaha Bani’aadan Nimada Iyo Hawlgalada Barakacayaasha Somaliland Iyo Somalia Mr Justin Brady Oo Ka Hadlay Shaqada Oo Uu Ka Tegidoono Iyo Arimahii Barakacayaasha Ee Ay Somaliland Ka Wadeen




 




Hargeysa(Gobanimonews)11-12-2013 Hay’adda UN-OCHA ee Somaliland iyo Somalia Mr Justin Brady oo mudo oo mudo Sanad iyo Badh ah Madaxka ahaa Hay’adda Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadanimada ee Barakacayaasha Somaliland iyo Somalia oo dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno Xafiiskiisa magaalada hargeysa ay ku leedahay UN-OCHA laga bedelidoono ayaa ka hadlay hawlahii shaqo ee Somaliland kala shaqaynaayay Dawladda iyo 3 Sarkaal oo sanadka soo socda dalka imandoona si ay uga hawlgalaan arimaha Bani’aadan nimo iyo hawlahii shaqo ee Barakacayaasha dalka oo ay sii amba qaadidoonaan marka uu isagu uu bedelka dalka kaga tago.




Sarkaalka u sareeya Hay’adda UN-OCHA ee Somaliland Mr Justin Brady oo qaar Warbaahinta Somaliland ka tirsan kula hadlaayay Xarunta Xafiiskiisa UN-OCHA ee magaalada Hargeysa ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay wada shaqaynta fiican u lahaayeen isaga iyo dawladda Somaliland mudadii uu Xafiiska joogay iyo arimaha gargaarka ee uu ka ay waxka qabteen mudadii uu sanadka iyo badhka ahayd iyo hawlaha mucaawimo ee ay u sameeyeen Barakacayaasha reer Somaliland gaar ahaan kuwa hareeraha Caasimada hargeysa iyo gudaheeda kuu nool.




Waxana uu Mr Justin Brady oo arimahaasi ka hadlayay uu yidhi “Waxa aan ka mid ahay hawlwadeenadda UN-OSHA waana markii saddexaad ee aan halkan imaado Hargeysa ilaa iyo intii aan shaqada ku soo biiray bishii May ee sanadkii 2012-kii waxana sida kale ay soo gebo gebayndoona wakhtigaygii hawlgaladda shaqo eenka waday halkan (Somaliland) maadama oo aan ka tegidoono dabayaaqada sanadkani marka uu dhamaado halkaas oo aan shaqada sanadadii la soo dhaafay aan hawglada ka waday Xafiiskayga Hargeysa ku yaala,waxana sido kale isoo bedelidoona 2 ilaa saddex shaqaale hawladeeno halkan ka hawlgelidoono oo imandoona horaanta bisha June ee 2014-ka,waxanay ila tahay inay taasi tahay war u wanaagsan bulshadda reer Somaliland waxanay muujinaysa sida ay shaqada aanu dadka u haynaa in ay nooga go’an tahay in aanu wax ugu qabano”




Madaxa Hay’adda UN-OCHA ee Somaliland iyo Somalia Mr Justin Brady oo hadalkiisa sii wata waxz uu yidhi“Waxa aanu kulan shaqo maanta la yeelanay Madaxweyni Xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirkiisa dib udejinta,waxa aanu ka wada hadalay oo aanu la socodsiinay Bedelaada Xafiiskayagan layga bedelay iyo hawlahii shaqo ee ka socday ,sababtoo ah waxa halkan yaala fursado badan,waayo Somaliland anaga waa meel ahmiyad gaar ah noo leh oo waliba si gaar ah waa meel horumarka ka socda uu ka soo raynaayo waxana aan aaminsanahay in aynu si gaar ah wax badan u wada qaban karno waliba arimaha ay ka midka yihiin Barakacayaasha iyo Guryo dhisid aanu u samayno oo ay nalaga shaqayaan NGO,s ay ka mid yihiin Niraado oo kale waxana aan filayaa waxyaabo badan ayaynu waxka qaban karna Hay’addayada UN-OCHA ahaan aanu waxa aanu u saymayna fursado ay dadka reer Somaliland waxku bartaan gaar ahaan dadka Barakacayaasha ah oo aanu dhinaca Bani’aadan nimada gacanka siino iyado aanu la kaashanayno dhinaca dawladda Somaliland oo iyadu wadashayn aanu arimaha horumarinta Bani’aadan nimada wada shaqayn ka leenahay,




 




Sarkaalkan u sareeya hawlaha Bani’aadanimada iyo ka shaqaynta Barakacayaasha dalku oo ka hadlaayay baracayaal ay dhul dejiyeen guryana udhisayaan waxa uu yidhi “Qaybaha kale ee aanu waxka qabanay intii aan halkan joogay waxa ka mid ah in aanu markii Xerada Barakacayaasha ee Degmadda Maxamed Mooge oo markii aanu laba jeer Bookhanay aanu u helay meel ay degaan waxana aad ugu mahadsan Dawladda Somaliland gaar ahaan dawladda hoose oo aad noola shaqaysay oo iyagu u helay dhulkii ay degilahaayeen dadkani iyo amnigoodaba,waxana aanu halkaasi Dadkan Barakacayaasha ah dejinay aanu uga dhisidoona guriyo ay galaan oo aanu imika bilaabayno dhismahooda iyado arimaha aanu aadka ugu shaqaynay ay ka mid ahayd dhulka ama goobta dadkani degelahaayeen iyo sidii aanu ku helilahayn dhulkaasi, oo ay sido kale ku jirto helida adeegyada aasaasiga ah sida Biyaha in ay helaan,Goobo Caafimaad,Waxbarasho arimahaasi oo dhami waxa ay noogu jiraan qorshaha in aanu u helo dhulka aanu guryaha uga samaynayno Barakacayaasha maxamed Mooge in aanu u helo’ Madaxa Hay’adda UN-OCHA ee Somaliland iyo Somalia Mr Justin Brady waxa uu intaasi raaciyay“Marka Dib u dejinta iyo dhulka aanu u samaynay Barkacayaasha Maxamed mooge eenu guryaha u dhisayno marka laga yimaado waxa ay tusaale fiican hawlaha Bani’aadanimo ee aanu shaqada u hayno waxana sido kale jira in aanu soo bookhanay Barakacayaasha ku jira Xarunta State House-ka halkaas oo ay dhaco dad guryo kaga gubteen iyadana waanu eegayna xaaladooda iyo sidii wax looga qabanlahaa




Masuulkan Hay’adda UN-OCHA ee Somaliland iyo Somalia Mr Justin Brady waxa uu sido kale ka jawaabay su’aalo warbaahintu ka waydiisay xaaladda guud ee Barakacayaasha Somaliland magaalooyinkeeda kala duwan ku nool iyo bal adeegyada ay uqabato Hay’addiisa qaramada midoobay u qaabilsan ka shaqaynta arimaha Bani’aadanimada iyo Qaxoontiga dalka oo uu sheegay inay arimo badan kala shaqeeyaan dawladda Somaliland,isla markaana ay dalka ka jiraan goobo badan iyo Xeryo badan oo ay Barakacayaal ku nool yihiin isla markaana ay dhul ay degaan u sameeyaan dadka ay gacanta ku hayaan oo guryo u dhisaan taasina ay ugu badan tahay Barakacayaasha dalka kuwa hargeysa hareeraheeda kala degan sida kuwa Maxamed Mooge ee ay imika dhulkii u heleen guryono u dhisayaan iyo kuwa State house-ka iyo kuwa kale”




Wariye Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa/Somaliland Head Office