“Mashruuc biyo soosaar waraabka dad loogu talo galay oo ay ku baxday Nusmalyan Dollar ayaa loo sameeyay Baro-kacayaasha Sheikh Cumar”
Hargeysa(GNA)-Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo xadhiga looga jaraay Mashruuc biyo gelin ah oo loo sameeyay xaafada sheikh cumar ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta lagu qabtay isla xaafadaasi.
Xaafadda Sheikh Cumar ayaa ka mid ah Deegaamada cusub ee sanadihii ugu dambeeyay la dejiyay boqolaal qoys oo laga raray gudaha Magaalada iyo kuwo kale oo baro-kacayaal ah.
Mashruucan biyood ee loo sameeyay oo ah mid noociisu ugub ku yahay dalka lagana soo talaalay biyo-xidheen laga sameeyay tuulada XARAF oo ilaa 7KM u jirta Magaaalada Hargeysa, waxa suurto gelisay Wakaaladda Biyaha Caasimada Hargeysa oo la kaashatay Hay’addo Caalamiya iyo kuwo maxali ah oo qayb weyn ka qaatay.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray furitaanka Mashruucan, oo ay ku baxday lacag ka badan Nusmalyan Dollar.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ugu horayn ka hadlay munaasibaddan waxaanu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee mashruucani soo maray, Dhaqaalaha ku baxay iyo cida qayb-qaadatay.
“waxaanu mashruucan bilawnay bishii December 2012 wakhtiga uu dhamaanayaana waa December 2015 wax weyna wey iska badeli oo dadku waxaa ay heli doonaan biya nadiifa”
Magaaladu wey balaadhaneysa waxaananu isku deyney inaanu u helno biyo waxaanu ka helay deegaanka xaraf waxaana biyahan ka cabi doona xaafadaha Ayax1 Ayax 2 iyo Ayax3 ee deegaanka sheikh Cumar, waxaana maanta dhamaaday wajigi hore ee biyahaas oo ah Ayax 3” ayuu yidhi.
Waxaanu maareeyuhu intaasi ku daray “Waxa mashruucan ku baxday lacag dhan lix boqol iyo sideed kun oo dollar ($608000) dollar waxaana kala bixiyay ha’yado badan EU iyo TS oo ah laba haayadood Caalamiya, UNICEF, COCACOLA iyo Hay’addo iyo ashkaas kale
Waxa kale oo noo qorsheysan inaanu biyahan gaadhsiino Xaafadda Ayax 4 oo iyadana ay degenyihiin ilaa 350 qoys, kaasoo aanu doonayno inaanu ka maalgelino mashruuca horumarinta somaliland”,ayuu yidhi Maareeye Yoonis.
Isagoo intaasi raaciyay “dadka deegaankan degen waxa Foostada biyaha ah laga siin jiray 12000 shls xiliga Jilaalka, maantana waxaanu ku amarnay in foostada lagaga iibiyo 2500 shls”.
Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay qaabka biyo waraabka loo sameeyay iyo masaafada laga soo qaaday biyaha la soo gaadhsiiyay deegaanka Sheikh cumar.“biyahan waxaanu ku soo qaadnay Beeb Sheikh Cumar laga bilaabo ilaa xaraf aanu dhignay oo 6.5KM dhererkiisu dhanyahay, waxaana Berkaddan soo gaadhsiinaya Beebkaasi, iyadoo halkan lagu qaybin doono”.
Dhanka kale Sarkaal ka socday Midowga Yurub oo Mashruucan door weyn ka qaatay, ayaa halkaasi ka kaga dhawaaqay inay Midowga yurub dawladda Somaliland ka taageerayaan suurto gelinta biyo Nadiif ah oo Bulshadu cabto.
Sarkaalkan ayaa tilmaamay in nooca mashruucan waraabka dadka loogu talo galay ugub ku yahay somaliland “Kani waa nidaamkii ugu horeeyay ee laga sameeyo Hargeysa biyo waraab ah, marka laga yimaado ka geed-deeble, waxaana weeye talaabooyin la doonayo in bulshada lagu gaadhsiiyo Biyo Nadiif ah, waxaana maal-geliyay midowga Yurub”ayuu yidhi mr por sped.
Waxaanu intaasi raaciyay “Nidaamkan cusubi wuxuu soo saari doonaa biyo dhan 1500M/K, waxaanu la mid yahay mid laga hir-gelinayo xuduudka somaliland iyo Djabouti.
“Ujeedada Midowga Yurub ka leeyahay mashaariicda lagu maal-gelinayo Biyuhu waxa weeyaan inay dawladda somaliland biyo u hesho dhamaan meelaha ay bulshadu ku nooshahay, waxaanu diyaar u yahay inuu ka caawiyo dhamaan dhinacyada mashaariicdan, sidda sharci iyo hab kasta oo lagu fulin karo”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday sarkaalka u hadlay midowga yurub ee mashruucan ka qayb qaatay.
Wasiirka Biyaha Somaliland oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa wax lagu faano ku tilmaamay hir-gelinta mashaariicda noocan oo bulshada faa’ido badan ugu fadhida, isla markaana door weyn ka qaadanaysa horumarinta adeegyada Bulshada.
Xuseen ayaa sheegay in Mashruuc biyo soo saar oo laga hir gelinayo deegaanka Xumo weyne iyo kan xadhiga laga jaray ay qayb weyn ka yihiin qorsheyaasha lagula tacaalayo biyo yaraanta Caasimadda.
“Mashruuca Xumbo weyne oo wajigiisii hore dhamaaday,markuu kaasi inoo dhamaadana waxaan qabaa inay baahidii biyaha ee Caasimadu meesha ka bixi doonto.
Waxa qorshe noo ah inaanu biyo xidh samayno annagoo la kaashanayna Hay’adaha Saaxiibka inala ah, oo diyaar inoola ah”ayuu yidhi wasiirka Biyaha xukuumadda Somaliland.
Ugu dambeyn waxa xafladaasi ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxaanu tilmaamay inay siyaasadda dawladda kow ka yihiin horumarinta adeegyada Aasaasiga ah, isagoo amaan balaadhana u soo jeediyay maamulka wakaalada Biyaha ee Caasimada.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa walaac ka muujiyay biyo yaraanta Magaalada Hargeysa ka jirta boqolkiiba konton wax ka badan, taasoo uu ku sifeeyay Baaxada magaalada iyo biyaha la helo oo kala badan.
“waanu ka xunahay in Maanta Caasimada Hargeysa boqolkiiba konton wax ka yar ay biyaha beebabka helaan, iyadoo ay sababtu tahay Baaxada Magaalada iyo biyaha la helo oo kala badan, si taasi meesha looga saarona waxa dedaal loo galay sidii mashaariic biyood loo raadin lahaa, dedaalkaasina waxaan qabaa inuu midho dhalay oo kan maanta aynu furaynaa qayb ka yahay”ayuu yidhi Eng Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in labada sanadood ee soo socda bulshada reer Hargeysa biyo ku filan loo soo saari doono.
“Waxaa kale oo aan rajeynayaa in labada sanadood ee soo socda Magaalada Hargeysa biyo wada hesho, wax kastaana waxay ku xidhanyihiin Masuuliyadda, taana waan ugu mahad naqayaa Maareeyaha wakaalada Biyaha oo hawshan iyo sidii Hargeysa biyo loo wada gaadhsiin lahaa xil iska saaray.
Bulshada deegaanka waxaan leeyahay sidaa laysugu kiin xilqaamay ee Biyaha layduunku sameeyay inaad idinkuna ilaashataan ayaa laydiinka baahanyahay”ayuu yidhi.
Sidoo kale xubno u hadlay ka qayb-qaateyaashii hir-gelinta Mashruucan iyo Xaafadda Sheikh cumar ayaa si weyn u amaanay hawshan biyo soosaarka ah, waxaanay tilmaameen inay baahi weyn u qabeen dadka xaafadaasi ku dhaqan.
Axmed Naasir Qalinle oo ah guddoomiyaha Xaafadda Sheikh Cumar ee Mashruucan loo sameeyay, ayaa dawladda ku amaanay hir-gelinta hawshan, waxaanu balanqaaday inay deegaan ahaan xil weyn iska saari doonaan ilaalinta Maamulka biyahan.
Xaafadan ayaa ah mid baahi weyn looga qabay biyo Nadiif ah iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, Caafimaadka, waxbarashada, nabad-gelyada iyo waddooyinkaba.
Dadka deegaanka ayaa in badan dawladda qaylo dhaan u soo dirayay, isla markaana ka cabanayay la’aanta adeegyadan.
Khadar Axmed Xaashi
Gobanimonews
Hargeysa Office