Pages

Tuesday, November 19, 2013

Guddoomiye Cirro: isku Shaandheynta Guddiyadu way jiraysaa, waxna iskama bedelin”fal-celin


"Akhri wareegtadii isku shaandheynta uu ku sameeyay Guddoomiye Cirro"




London(GNA)-Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay labadda  ku xigeen ee Golaha Wakiilada oo maanta laalay isku shaandheyn Guddoomiyuhu ku sameeyay Guddi hoosaadyada Golahaasi.




Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in aan waxba laga badaleynin  isku shandhanta Guddi  hoosadyada Golaha Wakiilada ee dhawaan uu isku badeley, waxaanu xusay in Shirguddonku u dhammaaa  isku bedelka  Guddi  hoosadyada lagu sameeyay.




Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa  Tv-ga HCTV u sheegay isagoo arimahan ka hadlaya  “Xeer hoosadka Golaha wakiiladu waxa uu tilmaamaya in laysku shandhayn karo guddi hoosadyada,kaasi oo uu  isku shandhan karaan  guddomiyaha iyo shirguddoonkuba, go’aankasi hore ee laysku shandhaynayey shirgudoonka oo dhan ayaa wada qaatay in golaha laysku shaandheyo waa arrin banaan oo uu xeer hoosadku ogol yahay, haddii wax la ilduufay waa la sixi karaa oo wax dhibaato ahi ma jirto, dee wixii la ilduufayna waa la saxayaa, isku shandhantuna way jiraysaa insha Allaha.” Sidaas waxa yidhihi Guddomiyaha Golaha Wakiilada.




Wareegtadii isku shaandheynta:




Cabdiraxmaan Cirro ayaa safar dibadeed ugu maqan dibada, waxaana la filayaa inuu dhawaan dalka ku soo laabto si uu muranka ka dhashay talaabada uu qaaday xalkiisa u raadiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com