Tuesday, November 19, 2013

Dr. Cali Yuusuf ” Aniga Iyo Guddoomiye Cirro Waanu Isla Ogayn Isku Shaadhayntan Guddiyada”


Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha  wakiilada Somaliland  Cali Maxamed Yuusuf  ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Golahaasi isla ogaayeen isku shaandheynta Guddi hoosaadyada golaha wakiiladda.




Hadalkan ayaa ka dambeeyay qoraal ay sii wada saareen isaga iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad oo ay kaga soo horjeedaan isku shaandheynta.




Cali  Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in uu dib uga noqday go’aankaasi uu la ogaa guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro waxaanu ku dooday in uu yahay qalad ka dhacay “Aniga iyo  Guddoomiye Cirro waanu  isla ogayn  isku shaandhaynta balse  dee bani’aadam ayeynu nahay oo  waynu qaldami karnaa waxaanu arrinkani khilaafsan yahay  xeerhoosaadyada  golaha ” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf .




Yooyootanka ka bilaamay Golaha wakiillada ayaa ah mid bilow ah, balse mudo si hoose looga soo shaqaynayay.




Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa todobaad ka hor isku shaandheyn ku sameeyay Guddi hoosaadyada Golaha wakiillada, isla markaana xubno xisbigiisa ka soo jeeda ugu ololeeyay inay guddoomiyaan guddiyada ugu muhiimsan.




Taas ayaa dareen culus gelisay Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, kuwaasoo haatan iyaguna u biyaystay sidii ay wiiqi lahaayeen awoodda Guddoomiye Cirro.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com