Hargeysa(GNA)-Xisbiga Ucid ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Cali Waran-cadde ayaa shalay sheegay in shirka Dooda qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridku qabanqaabinayaan laga soo abaabulay Somaliya, isla markaana qayb ka yahay abaabul lagu khal-khalinayo amaanka dalka.
Hadalka ayaa xisbiga Ucid ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, sida uu sheegay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbigaasi Xuseen Xasan Badmaax oo Maanta warbaahinta la hadlay.
Halkan ka dhegeyso: