Wednesday, November 20, 2013

Cali Waran cadde oo Noqdey Siyaasiga ugu Hanka yar Somaliland


Marka ugu horeysa salaam ha iga gudoomaan dhaman dadka reer somaliland




Cali waran cadde oo markuu mucaaradka ahaa laga soo weriyey inaan Siilaanyo dalka Ka talin markuu mucaaradka ahaaa, wuxuu sidaas kaga dhex hadaaqi jirey madalaha iyo shirarka xisbiyada mucaaridka ah, hadda oo uu xilka qabtey wuxuu bilaabay inuu bulshada marin hababiyo oo shaki iyo been abuur ku dhex abuuro, waxa uu isasoo taagey warbaahinta oo uu yidhi, shirka qaran waxa ka danbeeya dawladda Somalia,




Waxanu u sheegeynaa wasiirka hanka yar ee cali waran cadde in shirka ay ka danbeeyaan soona abaabuleen dadka reer Somaliland oo ah horkacayaan xisbiyadooda, mujaahidintooda, waxgaradkooda iyo mujaahidiintoodii u nafbaxay waqtigii aad adigu ahayd nabadsugidda siyaad barre




Sida darted waxanu taageersanahay in shir qaran dhoco oo la qabto oo ay bulshadu aayeheeda kaga tashato, mana aaminsanin inuu shirkaasi dhib ku keeneyo qaranimadda Somaliland.




Wabilaahi tawfiiq




Cabdirahma​n Ahmed