Ergooyin ka kala socda Bariga Sanaag iyo Gobolka Barri ayaa isku raacay in Sool iyo Cayn dib loogu celiyo Puntland”Akhri qodobada
Boosaaso(GNA)-Waxa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri lagu soo gabagabeeyay shir mudo laba maalmood ah uga socday ergooyin isaga kala yimi Goboladda Barri iyo Gobolka Sanaag oo metelayay bulshada deegamada labada Gobol ku dhaqan.
Shirka oo gunaanadkiisii laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 7 qodob, ayaa wax aka qayb-galay 140 Ergay oo isugu jira siyaasiyiin, madaxdhaqameedyo, culimo-awdiin, dhalinyaro, Ganacsato, Haween iyo marti sharaf kale.
Munaasibad lagu qabtay Hudheelka Bulsho ee Magaalada Boosaaso oo lagu soo khatimay shirkaasi waxa ka hadlay Maxamuud Yuusuf Weerax oo ah siyaasi caan ka ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya,waxaanu sheegay in Puntland oo ay ka maqanyihii gobolada Sool iyo Sagaan in aysan jiri doonin,loona bahaan yahay in goboladaasi dib loo soo celiyo.
“Haddii aan kala tagno, waxaynu noqonaynaa kuwa maynoorati ka ah gobolada kale ee Soomaaliya,haddii aan isku duubnaano waxa aan noqonaynaa majoorati, marka waa in la isku duubnaada”ayuu yiri siyaasi Weerax
Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay gudoomiye ku xigeenka shirka Bootaan oo sheegay in maalmahan lagu mashquul san yahay xubinihii baarlamaanka,balse taasi ay ka muhiimsantahay in dib la isugu keeno beelaha wax kala tabanaya ee Puntland iyo gobolada maqan”.
“Xiligii Allaha u naxariistee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ahaayeen wasiirada sagaal,waxa uu keensaday labo wasiir oo uu yiri beelo waxaa jira culeys badan leh labo wasiiro haloo sameeyo,waxaan ku dhahnay sharciga ma ogola,halka haatan ay jiraan 70 xilibaan,soo anaga ma geysan” ayuu yiri Bootaan
1-In la magacaabo gudi joogto ah oo ka hawlgala meel marinta go’aanada shirka wadatashiga ah xubnihiisuna ka koobanyihiin 13qof.
2-In Issimadu si degdeg ah isugu yimaadaan shirkii gogoshiisu ku fidsaneyd magaaladda Qardho,haddii Issamadu daneynayaan badbaadinta iyo midnimada Puntland.
3-In laga hawlgalo arrimaha Sool iyo Cayn.
4-Puntland wax doorasho ahi kama dhici karto ilaa la helo go’aamada qodobka 2aad.
5-In maamulka in dhago nuglaado qodobada go’aanka shirkan Wadatashiga Beelaha Bari Iyo Sanaag Bari.
6-Shirku waxa uu baaq u dirayaa si looga hortago khatarta kusoo fool leh Puntland beesha Caalamka gaar ahaan UNSOM,UNDP,AMISOM iyo IGAD .
7-Dhammaan bulshoweynta reer Puntland iyo maamulka Puntland,wuxuu shirkani ku adkeynayaa ilaalinta nabada iyo midnimada
Waa shirkii ugu horeeyay ee lagaga hadlo arrimaha Goboladda ku xusan ee Sool iyo Buuhoodle ee ka dhaca Boosaaso tobankii sanadood ee ugu dambeeyay.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com