Pages

Tuesday, November 19, 2013

Al-shabaab: weerarka Beled-weyne waxaanu ku dilnay 18 Askari”.


Madaxweyne Xasan Sheikh “Dowladda waxa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”




Beledweyne(GNA)-Weerar isugu jira Ismiidaamin iyo Dagaal foolka fool u dhacay, ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne , gaar ahaan Saldhiga Bilayska ee Magaaladaasi.




Goob-joogeyaal ayaa ku waramay in Cisbitaalka Magaalada la gaadhsiiyay Maydadka ilaa saddex qof oo laba dumar tahay.




Weerarkan ayaa dhacay abaaro 10:05, kaasoo ay niman deblay ah oo hubaysani ku qaadeen saldhiga Bilayska ee Magaalada, kuwaasoo ka hor intaanay isticmaalin hubka gacanta laga rido qaraxyo waaweyn ku argagax geliyay dadka.




Weerarka ismiidaaminta ah oo ahaa mid loo adegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay albaabka hore ee saldhiga, iyadoo intaa kadibna la mqlayay rasaas toos ah oo ay is-weydaarsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti iyo kooxo la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha saldhiga.




 




Hubka garbaha laga tuuro iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha boobaha ah ayaa qadar daqiiqado ah waxaa laga maqlayay gudaha iyo agagaarka saldhiga booliiska oo la sheegay in ay gudaha u galeen kooxo hubeysan oo markii uu qaraxa dhacay kadib weerar toos ah ku qaaday.




 




Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba isku fidiyay magaalada gaar ahaan agagaarka saldhiga booliiska, kuwaa oo dagaal toos ah la gallay kooxaha weerarka soo qaaday.




 




Dad badan oo isugu jira ciidamo iyo shacab intaba ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ah iyo weerarka tooska ah oo ay soo qaadeen kooxaha hubeysan.




Waxa bur-buray gabi ahaanba dhismaha Saldhiga iyo kuwii jiiraanka la ahaa, sida ay ku waramayaan Goob-joogayaashu.




Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaanay sheegeen inay ku dileen 18 Askari oo ajaanib u badan.




Afhayeenka dhanka howlgallada ee xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ay fuliyeen askar ka tirsan ciidamadooda, wuxuuna xusay in weerarkaasi lagu guuleystay.




 




“Anagaa ka danbeeynay weerarkaasi, waxaana ku dilnay 18 askari oo isugu jirta saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah, saldhiggana ciidamadeena ayaa la wareegnay” Ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab oo isagu aan sheegin tirada ciidamada fuliyay howlgalkan.




 




Sheekh Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in weerarkani uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, mana uu sheegin cid shacab ah oo wax ku noqotay weerarka.




 




Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi oo faahfaahin ka bixiyay weerarkan khasaaraha ka dhashay.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo weerarkan ka hadlay ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.




Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.




Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah. Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”




Weerarkan ayaa ku soo beegmaya todobaad ka hor weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaaladan, kaasoo galaaftay nafaha 19 ruux oo Rayid ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com