Pages

Wednesday, November 20, 2013

Afhayeen Dhuxul: Xukuumaddu iskumay Dhufan Shir-guddoonka Wakillada"


"Xukuumadda iyo Golaha wakiillada wada shaqayn wanaagsanbaa ka dhexeysa”Fal-celin




Hargeysa (GNA)- Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogaysay eedo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah oo xukuumadda ku eedayay  inay ka dambayso go’aanka  labada Guddoomiye Ku xigeen ee aqalka wakiiladdu ku laaleen isku shaandheynta Guddoomiyaha wakilladu ku sameeyay   Guddi hoosaadyada aqalkaasi.




Dr. Cali Yuusuf iyo Baashe Maxamed Faarax oo ah labada Guddoomiye ku-xigeen ee wakiillada ayaa maanta si wada jir ah u sheegay inay laaleen isku shaandheyntaasi oo ay sharci daro ku tilmaameen.




Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha wakiillada oo hadlay isla caawa, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin laalista isku shaandheyntiisa oo uu sheegay in Shirguddoonku hore uga wada baaraan degay.




Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada  Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa u waramay Somaliland.Org, waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaha xukuumadda  looga soo jeediyay arrintan.




 “Waxaan warbaahinta qaarkeed  ku arkayay   mucaaridka oo xukuumadda ku eedaynaya inay madaxtooyaddu soo dirtay  labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda oo iyagu sidaan maqalay laalay Go’aankii isku shaandheyntii guddiyada aqalkooda. Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo xukuumaddu waa waaxdii fulinta, Golaha Wakiiladduna waa waaxdii sharci dejinta markaa way ka madax banaan tahay fulinta sida waaxda Garsoorkuba uga madax-banaan tahay.”




 “ Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda  waxa ka dhaxayay wada shaqayn wanaagsan , may dhicin mana dhici doonto inay  Xukuumaddu farro geliso Golaha Wakiiladda oo ah Gole sharci dejineed oo hawlihiisa shaqo wata una madax banaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.




 




Axmed Saleebaan Dhuxul waxa  been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay warar sheegayay inay madaxtooyadda laga soo diray labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda.




 “Sidaas darteed, eedaha  ka soo yeedhaya  xisbiyada mucaaridka ah ee waxa Golaha Wakiiladda ka socda ay ugu nisbaynayaan xukuumadda, waa been aan sal iyo raad-toona lahayn, waana  arrin baal marsan garashada sharcyada iyo qawaaniinta dalka u yaala,”ayuu yidhi Mr. Dhuxul




Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in aanay xukuumaddu wakhti iska luminayn wax aan munaasib ahayn, balse ay u tafo xaydan tahay horumarinta dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Haddii ay guddi hoosaadyo dooranayaan iyo haddii kaleba iyaga (Wakiiladda)  ayay  u taallaa, xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo  waxay haysaa  oo ku mashquulsan tahay, hawl ka weyn oo hurmarineed ayay haysaa.  wakhti iskaga qaadi mayso waxaan munaasib ahayn, waxay xukuumaddu dedaal gelisay una guntan tahay sidii dalka looga hirgelin lahaa himiladii Madaxweynuhu dalka ku doonayay inuu ku horumariyo oo waxaad la socotaan dedaalka weyn ee lagu taabo-gelinayo   adeegyadda daruuriga ah sida waxbarashada, caafimaadka dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku ugu horeeyaan.”




 “Waxaanu leenahay mucaaridka yaan xukuumadda la mar-marinin wax aanay shaqo ku lahayn oo aan hawlaheeda ku jirin, waxaana habboon in dadka eedaynaya xukuumaddu inay dib u eegaan oo akhriyaan shuruucda dalka iyo dastuurka oo kala madax baneeyay saddexda waaxood ee dawladnimadeennu ka kooban tahay,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul.




Inkasta oo Afhayeenku sidan ku doodayo, hadana ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay iyo Ifafaale ka muuqda doorka xukuumaddu ku leedahay go’aamada isburinaya ee Shir-guddoonka wakiillada ka dhex aloosay khilaafka,waxa muuqata inay xukuumadda oo kaashanaysa xubnaha ay Wakillada ku leedahay olole ugu jiraan sidii ay saaxada Golaha uga saari lahaayeen Guddoomiye cirro.




Sidoo kale, waxa la hadal hayaa in go’aanka labada Guddoomiye ku-xigeen ka dambeeyay ismahadin waddani isku bogaadiyay helida dhawr guddoomiye guddi-hoosaad.




Si kastaba ha ahaatee maaha arrin ugub ah waxa ay ka taagantahay dooddan u dhaxaysa Guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku xigeen, balse todobaadyadanba waxa xusid mudan inay aragtiyo kala fog oo khilaaf muujinaya ka bixinayeen shirka dooda qaran ee Guddoomiye Cirro ku taageeray shaadhkiisa Hogaanka Xisbiga Waddani.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com