Pages

Saturday, October 5, 2013

Zaha oo amaah uga tagaya Man United bisha January


Wilfried Zaha ayaa qaab amaah ah uga tagi doona kooxdiisa Man United bisha january xili uu wali sugaayo kulankiisii koowaad ee Premier League..




 




David Moyes ayaan isticmaalin ninka £15million ku fadhiya tan iyo kulankii Community Shield waxaana taas ay nin yad jab ku riday xidigaas kaas oo 21 jir noqon doona bisha soo aadan.




 




Zaha ayaa hada diyaar u ah in uu isaga tago kooxda si uu uga mid noqdo xulka Ingriiska ee ka qeyb gali doona koobka aduunka ee 2014 lagu qaban doono Brazil.




 




Kooxdiisi hore ee Crystal Palace ayaa hogaamineysa kooxaha doonaya in ay amaah ku qaataan waxaa sidoo kale xiiseynaya kooxaha Swansea, West Brom, Stoke iyo Newcastle.




 




Zaha, oo ahaa saxeexii ugu dambeeyay ee tababare Sir Alex Ferguson ayuu Moyes usoo magacabay kooxdiisa sadex kulan xagaagan kuwaas oo ahaa Swansea, Crystal Palace iyo kulankii Capital One Cup –ka ee Liverpool laakiin waxaa uu soo dhaafi waayay keydka .