Pages

Friday, October 4, 2013

Xoghayaha cusub ee dhawaan loosoo magacaabay dowlada hoose ee degmada borama Xasan yuusuf riiraash ayaa maanta si rasmiya xilkii ula wareegay


BOORAME (GNA)- Madal  inta badan  lagu soo bandhigay hadalo duur xul u badan oo taabanayay dhinacyo badan ayay maanta xilka kula kala wareegeen xoghaya Cusub ee loo soo magacaabay D/Hoose ee Boorama Md. Xasan Yuusuf Riiraash iyo xoghaya xilka ka dagayay Md. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari, madashan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimahay ayaa waxa goobjoog ka ahaa Badhasaabka Awdal, Maayarka Boorama, Xildhibaanada G/D ee Boorama, shaqaalaha D/Hoose ee Boorama, Salaadiin, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.




Ugu horayntii ayaa iyo xoghaya xilka wareejinayay Md. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari uu ugu horaynba u mahad naqay dhamaan maamulkii degmada kii gobolka, xildhibaanada degaanka iyo gabi ahaanba shaqaalaha D/Hoose oo uu xusay mudadii labada sano ku dhawayd ee uu la shaqaynayay inay u muujiyeen shaqo wanaag iyo sidoo kale inuu ku dhiirado gudashada waajibaadkiisa qaran.




Md. Xamari waxa uu ka Waramay in mudadaasi uu xilka hayay ay u qabsoomeen 16 mashruuc oo iskugu jira wadooyin, laami ah iyo kuwo caro tuul ah oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boorama, dhismaha MCH-yo iyo qudida barkado degaanda degmada Boorama ah oo si wayn loogu baahnaa, furitaanka sariibado iyo goobo ganacsi oo gudaha magaalada ah, dhisaha xarumo nabadgalyo oo qaar ka mid ah xaafadaha Boorama ka dhismay, bilawga dhismaha biriijka xaafada Xaaslayda oo si wayn ay dadka xaafadaasi ugu baahan yihiin, dhismaha garoonka kubada cagta ee Boorama oo gabogabo ah, reer Booramana ay sugayaan inay sanadkan bilaabmi doona ee 2014 marti galiyaan ciyaaraha gobolada Somalilad iyo sidoo kale mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha guryo dan guud ah oo loo dhisayo dadka barakacsan iyo bulshada oo ay la sameeyeen wada tashiyo ku aadan kala hormaysiinta baahiyaha degaanka.




“Waxaan anigu la wareegay dayn ah 107 milyan oo shilin, Acountka D/Hoosana waxa iigu jiray sagaal iyo sodon milyan lixboqol iyo afar iyo afartan, Maanta waxa acountka kuugu jirta oo aad gacantaad ku maamuli doonta boqol iyo todoba iyo toban milyan oo shilin, waxa aan ka tagayaa oo lanagu leeyahay dayna aanan ahayn oo ah lacagtii lanagu lahaa ee biilashii joogtada ahaa ee meelaha ay dawlada hoose la xidhiidho ee sida shidaaladii, stationary-gii iyo spare-parttaasi oo dhan lixdan iyo sagaal milyan oo shilin iyo 14kun oo doolar” ayuu yidhi Md. Xamari




Md. Xamari waxa uu kaga tagay dardaaran xoogan maamulka golaha degaanka waxana uu yidhi “Mar hadii shaqadayda ay ku qanceen Wasaaradii I maamulaysay iyo shaqaalahaygiiba isla markaana xilka la igaga qaadayo qabooyinta beelaha, waxa aan ku dardaarmayaa in laga waantoobo in marwalba qofka waayo araga ku noqday ee shaqada waajibkeeda gudanaya in la bedelo, waxaanan leeyahay dhalinta reer Boorama waa isku mid ee ha la ogaado oo ha laga daayo cadaalad darada, isla markaana ha la qiimeeyo shaqada iyo ninka ku wanaagsan, Xoghaya I bedelayana waxa aan leeyahay maalintii aan xilka la wareegay waxa aan doondoonay xafiiskii xoghaya, laakiin maanta waxa aan kaaga tagayaa xafiis shaqeeya, shaqaale hawsha u daacad ah iyo mashaariic tiro badan oo badhkood socdaan una baahan yihiin inaad dhamaystirto”




Xil. Cabdi Cismaan Dhagawayne oo ahaa gudoomiyaha gudidii qabanqaabada xilwareejintan ayaa halkaasi ka hadlay waxana uu yidhi “Waxa aan qiryaa in Md. Xamari uu ahaan lahaa qofka u dambeeya ee meeshan ka tagi lahaa hadii shaqada la qiimaynayo, waxase maanta Md. Xamari uu xilka kaga tagay waa tartan beelaha u dhexeeya oo ay dawladii hoose ka soo dhex muuqatay in beel kaliya ay awoodeedii gacanta u gashay, mudadii uu joogay waxa uu noola shaqeeyay si wayn, waxana uu ahaa mid shaqaalahiisa u cadaalad fala, si mug leh oo gobonimo ku dheehan tahayna waan ku kala tagnay.




Xoghaya Xilka la wareegayay Md. Xasan Yuusuf Riiraash oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan u mahadnaqayaa xoghayaha aan xilka kala wareegayo, waxana aan balanq aadayaa in hawsha aan ka sii amba qaadi doono halkii uu soo gaarsiiyay, waxa kale oo aan balan qaadayaa in shaqaalaha aan ula shaqeeyo si balaadhan, midka shaqo wanaag muujiya aan soo dhawaysto, midka shaqadiisu xumaatana aanan ku difaaci doonin oo aanan ku dalacsiin doonin qabyaalad, xilka la ii magacaabayna waa mid miisaan culus leh ee EEBE ha igu asturo iiguna soo duceeya”




Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ka marag kacay in Md. Xamari uu ahaa nin shaqadu ay u baahan tahay,balse uu qadarku ka kaxeeyay maanta hawshii uu umada u hayay, isaga oo hadal duur xul ah ku hadlayayna waxa uu yidhi “Anaga waxa na doortay gole degaan, waxana xilka gudoomiyaha iyo ku xigeenka ah ku soo baxay laba nin oo isku hayb ah, waxana hubaal ah in doorashadii la galay iyo codbixintii gudaha xildhibaanada ee lanagu doortay ay galaafteen laba xil oo kale oo kala ahaa Badhasaabka Awdal ee hore iyo Xoghayahii D/Hoose, waxa aanan qiryaa oo aan shaaca ka qaadayaa in wax xumaan ah oo dhex taala dadka reer Boorama oo marar badan la yidhaa waxay isku haystaan dhardhaaro aanay jirin wax u dhexeeya, balse khayraadka oo yar aawadeed la is cidhiidhyayo, waxa meesha yaalaana ay tahay aniga ayuu igu fiican yahay, sidada ka muuqatay markii uu jiray tartankii xoghayaha booskiisa loogu jiray oo rag badan markii ay soo dhamaatay ee lagu kala calaf qaaday ay igu yidhaaheen Gudoomiye Saleebaan waxa aan dooratay wiilkii aad abtiga u ahayd”




Gudoomiye Saleebaan waxa uu soo dhaweeyay Xoghaya Xilka ku cusub oo uu tilmaamay in hawsha loo dhiibay ay tahay mid aad u culus loona baahan yahay inuu u dhabar adaygo, isaga oo u balan qaaday inuu si wayn ula shaqayn doono.




Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo isagu kulankan soo gabagabeeyay ayaa waxa uu yidhi “Been kama sheegayo ee waxa aan marag u ahay hal shay kaasi oo ah inuu Maxamed Cabdi Xaashi Xamari ahaa nin hanaanka dawladnimo iyo sida ay u shaqayso garanaya oo aqoon u leh oo hadana ku dhaqmaya, waxana aan u rajaynayaa khayr badan, Xoghayaha cusubna waxa aan leeyahay waxa ku hortaala hawl balaadhan oo laguu soo doortay maadaama aad tahay masuul ay D/Dhexe u soo igmatay xilkii xoghaye nimo ee D/Hoose ee Boorama, waxana aan xildhibaanada degaanka ee Boorama iyo Shaqaalaha D/Hooseba waxaan leeyahay hadii aanan lala shaqayn ninkan wax u qabsoomi kartaa ma jirto ee ha lala shaqeeyo oo ha la taageero”




si kastaba ha ahaatee waxa la sugi doona waxa uu  badali doona iyo waxa uu soo kordhin doono xoghayaha cusub ee maanta si rasmiya ula wareegay xilkii loosoo magaacaabay ee xoghayaha dowlada hoose ee degmada borama




Wariye Mustafe Caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office