Muqdisho(GNA)-Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay horumarin ku samaynayaan Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir Ciil-mooge oo maanta hortagay Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda FAVOR LLC oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
“Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso horumarinta ilaha dhaqalaaha dalka oo uu garoonku ka mid yahay, waxaana shirkadda FAVORI LLC kula heshiinay inay muddo kooban ku horumariso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, innagoo ku dabo-galayna howlaha ay qabanayso,” ayuu u sheegay Baarlamanka.
Ciil-mooge waxa uu sheegay in Shirkaddan cusub ay lacag u xasilinayso Horumarinta Garoonka, isla markaana lacagtii shirkadii hore u dhigi jirtay mid ka badan loo qoondeeyay hada.
“Dhaqaalaha garoonka kasoo xarooda waxaa saddex meelood meel loo dhigi doonaa garaoonka, si loogu maareeyo howlaha garoonka, waxaana heshiiska uu dhigayaa in shirkaddan ay 45% dhaqalaaha garoonka ay si toos ah ugu soo wareejiso dowladda, halka shirkaddii hore ay 35% soo wareejin jirtay,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay “Haddii ay kasoo bixi waydo shirkadda FAVORI heshiiska ay lala galay 90-maalmood gudahood, xukuumaddu waxay awood u leedahay inay digniin siiso ayna u sheegto inay qolo kale garoonka ku wareejin doonto,”.
Dawladda Federaal Somaliya ayaa bishii hore ka baxday Heshiiskii ay kula jirtay Shirkadda SKA oo Maamulaysa Madaarka Mudo sanad ku dhadhow, waxaana kala wareegay Shirkaddan cusub oo laga leeyahay Turkiga.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com