Pages

Monday, October 14, 2013

SL: Mashaariic Boorama ilaa Ceerigaabo ka socda oo ka qatan Kaalmo Caalami ah!Warbixin.


Hargeysa(GNA)-Dhismaha Waddooyin Laami laga dhigayo, ayaa ka socda in ka badan shan Gobol oo ka mid ah Somaliland, kuwaasoo badankooda lagu bilaabay iskaa wax u qabso, dawladduna Door ka qaadanayso.




Hir-gelinta Mashaariicdan ayaan ilaa hada wax kaalmo ah oo Kaash ah looga helin dalalka sheegta Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Manjaraha u haya  Dhaqaalaha aduunka.




Inkasta oo ay Muuqdaan dhaliilo maxali ah oo xukuumadda looga soo jeedinayo hawlahan, hadana bilowga dhismaha laamiga isku xidhi doona Goboladda Togdheer iyo Burco ayaa Muhiimad khaasa u leh isu socodka Bulshada iyo dhaqaalaha dalka.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Dhagax-dhigay dhawr todobaad ka hor, waxaana hawshiisa socota ka dhex muuqda Olole ka bad-badin ah oo Masuuliyiinta xukuumaddu waddo, taasoo sawir khaldan ka bixinaysa ujeedada mustaqbalka laga leeyahay Mashruucaasi.




“waxaanu bilownay Waddada isku xidha Sanaag iyo Togdheer oo madaxweynuhu dhagax-dhigay saddex Todobaad ka hor,wxaanay ka mid tahay Mashaariicda Madaxweynuhu ugu talo-galay horumarka waddanka, mana aha waddadaasoo qudha ee waxaanu bilownay waddoon badan”sidaasi waxa yidhi  Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan sharaxaad  ka bixiyay hanaanka dawladdu ugu talo-gashay hawsha dhismaha waddooyinka dalka ee socda.




Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta la hadlay laanta Afka-somaliga ee Ideecadda VOA-da ayaa intaasi raaciyay “Waxa socda waddooyin fara badan oo ay ka mid tahay Jidka Laamiga Boorama oo noo hadhsanyahay waxaan Nus kiiloomiter ku qiyaasi karo, inta kalena ay tahay wax gacanta lagu hayo iyo wax la dhameystiray. Waxa sidoo kale socda waddada isku Kala-baydh iyo Wajaale oo ah jidka dheer ee marka Berbera ilaa Addis-ababa  la eego inta qudha ee aan laami ahayn ah ay intaasi tahay 18KM-baa lagu qiyaasaa, ilaa 8km baa la dhisay.




Waxa kale oo socda Laamiyadda Hargeysa ilaa Sallexley, Burco iyo Oodweyne, meel fiicanbaanay maraysaa qorshaha horumarinta waddooyinka, sidaasi darteed waxaanu wadnaa in waddadaa dheer ee aanu bilownay la dhameystiro, waxaanan ka bilaabi doonaa meelo badan, waana wax lagu qiyaaso 300KM,markaa waxaanu ka wadaynaa ilaa afar meelood, markii hore saddex meelood ayaanu ku talo-galnay laakiinse Magaalada Gar-adag oo dadkeedu noo soo jeediyeen inay 10KM kaga qayb-qaadanayaan iyana waanu ka bilaabaynaa, markii hore waxa noo qorsheysnaa in laga bilaabo Ina-af-madoobe, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo, markaa 300KM inaanu isku xidhno ayaanu doonaynaa dedaalkeediina waanu wadnaa”ayuu yidhi.




Si loo hir-geliyo hawshan waxa loo Uruurinayaa qaadhaan bulshada qaybaheeda laga doonayo , taasoo Xukuumadda laga soo bilaabay, shaqaalaha dawladdana Mushaharkooda saamaynaya.




“Dawladda iyo dadkeeda ayaa iska kaashanaya, bino-aadamku wuxuu wax qabsan karaa  marka uu iskaashado,markaa dawladu iyadoo dadkeeda kaashanaysa ayay wax qabanaysa, waxaana markii u horaysay aanu samaynay Xeerkii ayaanu keenay Baarlamanka oo aanu u muujinay go’aanka ay naga tahay inaanu dhisayno jidkan. Waxaanu dalabnay in naloo ansixiyo waanan ku guulaysanay, waxaanan u qorsheynay sanadkan bejedka 2014-ka afar Milyan oo Doolar lacag ku qiyaasan.




Sidoo kale intaanaan waydiinin Bulshada oo aanaan ka codsanay inay ka qayb-qaataan, waxaanu dawlad ahaan isweydiinay dadka Cashuur bixiyayaasha ah ama cashuurta mushaharka ka hela oo ay ugu horeeyaan Golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka  iyo shaqaalaha iyo dhamaanba dadka u shaqeeya dawladu inay qaadhaankooda bixiyaan, iyadoo Madaxweynuhu hogaaminayo golaha wasiiraddaa ugu horeeyay waxa lagaga dhawaaqay $100,000 oo Dollar. Waxa Goleyaasha Baarlamanka Guurtida iyo wakiiladduna ansixiyeen inay min boqol kun oo Dollar ($100,00), bixiyaan,, calaa shakhsi wasiirradda waxa laga qaadayaa laba Kun oo doolar oo Mushaharkooda ah.




Saddex Golle marka laga yimaado waxa kale oo laga jarayaa shaqaalaha kala duwan ee Somaliland oo dhan, oo qof waliba qaadhaanka uu qayb ku leeyahay, min Hal Dollar ilaa shan Dollar ayaa loo qorsheeyay inay kaga qayb-qaataan.




Ciidamada 3 Dollar ayaa loo qorsheeyay oo ay soo qorsheeyeen Taliyayaasha Ciidamadu, markaa waxaan ku qiyaasayaa in dadka dawlada u shaqeeyaa lacag ilaa Milyan iyo badh oo Dollar ah oo qaadhaan ah ay ka soo baxdo, lacagtaasina waa qaadhaan ee Maaha Cashuur.




Sidoo kale Bulsho weynta Somaliland oo Ganacsatada leh , oo shaqaale gaar ah leh, oo mid miyi jooga oo xoolo dhaqato ah  leh, oo mid Hay’ad u shaqeeya leh, markaa sidaas ayaanu wax u wadnaa.




Sida uu sheegay Wasiirka Madaxtooyada oo waraysigan bixiyay isagoo ku sugan Degmada Gar-adag, ayaa sheegay inaanay wax kaalmo ah mashaariicda uga helin dalalka qaadhaan-bixiyayaasha.




“Kaalmadda waxaanu ka sugaynaa dadkayaga,  oo aanu isku halaynaynaa, wixii kale ee duniddu noogu deeqdana diyaarbaanu u nahay, laakiinse iminka waxaanu wax ka doonaynaa waa dadkayaga, dunida kalena haday wax noogu deeqayso waanu waydiisanaynaa, siiba dadka dibadu waa kuwii dalka nala dhisay, waa kuwii nala soo halgamay, qayb-libaaxbaanay ka qaadanayaan hadii alluhu ka dhigo”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee Su’aasha ugu weyn ee soo baxaysa ayaa ah sababta ay duniddu indhaha uga lalinayso inay Somaliland ka caawiyaan hawlaha baaxad leh ee ay iska wax u qabsada ku bilaabeen.




Waxaana taasi lagu micnayn karaa laba arimood oo kala ah siyaasad xumo xaga Xukuumadda ah ama badheedh bulshada caalamku ka badheedhay inay qadiyaan Dalka Somaliland ee gad’oonka kaga jira Caalamka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email; editor@gobanimonews.com