Cali Waran-cadde: Wareegtada agaasimaha Guud ee Duulistu qoray waxay ahayd Foojari, waanan..”
Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo ka mid ah Xujjayda sanadka lagu qasbay inay E-pasport-ka la madnuucday Xajka ku tegaan!
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanay aqoonsanayn Pasport-ka dawladda Somaliya bixiso ee E-pasport-ka, cid sidataana dalka soo gelin karin, kagana dhoofi karin, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo Gobanimonews la hadlay.
Go’aanka Wasiirku ka dhawaajiyay ayaa burinayaa wareegtooyin hore oo ay Wasaaraddaha Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka iyo Arrimaha guduhu bishii jully ku joojiyeen Baasboorkii hore ee Cagaarnaa ee Somaliya, ka dib amar joojin ah oo Dawlada Federaalku ku soo rogtay Baasboorkaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Dalal Faarax ayaa 11-kii Bishii Jully soo saaray qoraal lagu socodsiiyay Hay’adaha Socdaalka iyo Shirkadaha Duulimaadyada, kaasoo nuxurkiisu ahaa inaan dalka lagu soo geli karin, lagaga dhoofi karin, isla markaana Fiise lagu bixin karin, baasboorkii hore ee Somaliya (Cagaar), maadaama Dawlada Federaalka somaliya joojisay.
Axmed Dalal Faarax ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan:-
“Mudanayaal aniga oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay WSW/HG/02/14/2013 ee ku taariikhaysan 06/05/2013 kana soo baxday xafiiska taliyaha waaxda socdaalka qaranka laguna soo lifaaqay amarka Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee sumadeedu tahay WAG/XW/369/04/2013 kuna taariikhaysan 07/05/2013 ujeedadeeduna tahay in la dhaqangaliyo go’aankii joojinta Baasboorkii hore ee Soomaaliya (Green Passport) maadaama ay sidoo kale joojisay Dawladda Soomaaliya dalkii lahaa.
Sidaas awgeed, waxaa dhammaantiinba la idin farayaa in laga bilaabo, marka warqadan dhaqangelisan si toos ahna aad u raacdaan amarka dawliga ah.
Waxaan ku rajo weynahay in aad gacan ku siin doontaan waaxda socdaalka oo shirkadaha ganacsiga dayuuraduhu soo qaadin qof sita Baasboorka la joojiyay kuwa tigidhaduna ayna ka iibin qof sita marka laga reebo dadweynaha Somaliland ee ka shaqeeya dalalka Carabta ee deganaansho (Ciqaamadaha)ugu yaalaan inta aanay badalin Baasboorkaas.
Sidaas iyo wada shaqeyn wanaagsan”ayuu ku yidhi qoraalkiisa
Laakiinse Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Isniintii shalay Xafiiskiisa ugu waramay Wariye ka tirsan Gobanimo ayaa sheegay in qoraalka uu qoray Agaasime Dalal Foojari ahaa, soona saaray wareegto uu ku burnaiyo, isagoo dhanka kale shaaciyay go’aanka xukuumaddiisa ee Baasboorka Somaliya.
"Wareegtada Agaasimaha Duulista Hawaddu qoray way jirtay, waanan buriyay oo mid ka dambeysay ayaan qoray oo aan leeyahay waxba kama jiraan, khaladbaanay u dhacday.
arintaasina waxay ahayd arin runtii si foojari ah u dhacday oo isaga laftiisa si khaldan loo soo dhigay ayay ahayd, markaa arintaa waan buriyay"ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in go'aanka xukuumiga ah ee somaliland yahay inaanay aqoonsanayn Sharciga Dawladda Somaliya, maadaama aanay iyaguba aqoonsanyn, "waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Go'aanka aan ka soo saaray Baasaaboorka waa mid Xukuumadda oo dhan ka go'an, anigu ma garanayo wasiirro ku baxay Baasaaboorka Somaliya,mana dhici karto wasiir Somaliland ah oo Baasaaboor Somaliya ah qaatay"ayuu yidhi.
waxaanu intaasi ku daray "Pasport-a Somaliya ee cusub Somaliland sharci kama ah mana aqoonsanin, sida aanay iyagu somaliland u aqoonsanyn, ayaanan annagu u Ictiraafsanayn, markaa dalkana Baasaabooradda kale ee lagaga baxo ayaa lagaga bixi karaaa, laakiinse ka somaliya inaga imooma yaalo"ayuu yidhi.
Go’aamadda ka soo baxaya xukuumadda somaliland ee isburinaya ayaa muujinaya siyaasad xumo iyo wada socod la’aan Gaamurtay oo meeshii ugu dambeysay maraysa, taasoo xataa gaadhsiisan inaanay Masuuliyiinta qaarkood waxba ka ogayn in madaxda dawladdu qayb ka yihiin socodsiinta Epasport-ka.
Cali Maxamed Waran-cade ayaa todobaadyo ka hor bilaabay Ololaha ka dhanka ah Baasboorka Pasport-ka Somaliya. xili ay dhamaan xujjayda Somalida ee ka kala tegay Somaliland iyo Somaliya ku tageen Xajka, ka dib markii dawladda Sucuudigu diiday Baasboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana la sheegay inay Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo xajay qaateen kan dambe ee dawladu madnuucday hada.
“Dawladda Sucuudigu sanadkan way diiday in Xajka lagu tago Baasboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana jiray intaan ka war hayo Masuuliyiin dawlada ka tirsan oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil Cabdilaahi ka mid yahay oo isku dayay inay qaataan, Pasport-ka hore, dabadeed safaarada Sucuudiga ee Djabouti soo celisay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha xarumaha Socdaalka oo in magaciisa la soo xigto ka cudur-daartay.
“markaa anigu ma ogi xaqiiqda waxay masuuliyiinta dawlada ee aan Baasbooradda ajaanibka ah wadani waxay ku tageen, laakiinse waxaan kuu xaqiijinayaa inaanay sanadkan dawlada sucuudigu Fiise u ogolaan qof sita Pasport-ka cagaaran, sidaasi dartee waxa muuqata in Saraakiisha dawlada wixii aan haysan sharci kale, inay E-pasport qaateen”ayuu hadalkiisa raaciyay.
laakiinse Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland waa uu beeniyay taasi “Maya anigu ma ogi wasiirro dawlada ah iyo masuuliyiin kale oo xajka ku tegay, wax dhacaysana maaha”ayuu yidhi Cali Waran-cadde.
Ma cadda ilaa hada Mawqifka Madaxweynaha somaliland ka taaganyahay qadiyaddahan ku wajahan Dal ku galka somaliya oo ay dadka Reer somailand ee aan haysan sharciyada kale ee ajaanibka 80%, dibadaha ugu dhoofaan, maadaama Caalamka intiisa badani diideen Baasboorkii hore, balse talaabooyinka ay Masuuliyiinta xukuumaddu qaadeen ee arinta la xidhiidha qaarkood ayaa fashil ku ah siyaasadda gooni-isutaaga somaliland.
Baasboorka Somaliland ayaan aqoonsi Caalamiya oo laysku halayn karo helin, balse waxa jira tiro waddamo yar ah oo loogu safri karo, kuwaasoo aan badankoodu dhaafsiinayn Gobolka.
si kastaba ha ahaatee ma Cadda sida uu go’aanka Cali Waran-cadde ku joojiyay Baasboorka hore u fuli doono, halka ay ku dambeyn doonaan qorsheyaasha Faashilka ah ee ay xukuumaddu qaadatay, balse waxaan meesha ka madhnayn in Wasiirka arrimaha gudaha oo xilka ku cusubi faro gelin ku sameeyay qorsheyaal wakhti dheer soo socday oo ilaa heer dhaqan-gal ah taagan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com