Hargeysa(GNA)-Ciidamadda amaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga dhigay Cabdi-waaxid Cali Gama-diid , oo ah Hal-abuur da'yar oo dhawaan Gabay uu soo saaray ku Bogaadiyay Weerarkii lagu qaaday Magaalo-ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.
Ninkan ayaa shalay gelinkii hore laga qabtay Hudheelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa,sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilaysku.
"Isagoo jooga Hudheelka Dalxiis, gelinkii hore ee shalay, ayaa afar Gaadhi oo RRU ah mar qudha nagu soo dul-dageen , dabadeedna laba gudaha ayay soo galeen oo way kaxeeyeen, laba dibada ayay ku sugayeen, sidaasaana lagu xidhay"sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Goob-jooge ku sugnaa Hudheelka laga soo qabtay.
Ma cadda ilaa hada sababta xadhigiisa ka dambeysa iyo kiiska loo haysto, balse sida ay sheegayaan Hay'adaha amaanku waxa uu la xidhiidha dareeno ka dhashay bogaadinta uu u diray Kooxdii weerarka ka geystay
Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama-diid ayaa 28 bishii August soo saaray Maanso uu ku taageerayo,waxaanu Tixdan ku sheegay in weerarkaasi ka dhashay dibin-daabyo iyo Nabsi ay dawladda Kenya ka gashay somaliya uu u yahay wax loogu tusaaleynayo, isagoo xusay in raga weerarkaasi qaaday Geesiyaal xeelad isticmaalay ay yihiin.
Gabaygan oo xiligaasi lagu daabacay Mareeg Islaamiya oo la yidhaahdo Qaadisiya.net, ahna dhegeysi, ayuu hal-abuurku ku sheegay in isagoo tirinta suugaanka iska daayay ay habeenkaasi ku soo dhacday tixda uu soo saaray, isagoo ku tilmaamay inay cashar lama ilaawaan ah u noqotay Kenya iyo xulafadeeda.
Hay'adaha Amaanka ee Somaliland ayaa bishii hore xabsiga dhigay Sheikh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo ah waddaad taageero af ah u muujiyay Dagaalyahanadii weeraray Westgate, isagoo xusay inay taasi muujinayso quwadda iyo awoodda Ururka Al-shabaab.
Sheikhan oo ka mid ah Culimadda inta badan dhaliilaha u soo jeediya xukuumadda, warbaahintana ka sheega hadalo badheedh ah oo uu ku ta'kiidiyo Mabaa'diida Ururadda Islaamiga ah ee Dagaalka ka wadda somaliya, ayaa ahaa qofkii ugu horeey ee si cad u taageera weerarkaasi, waxaana xigay in mudo kooban ka dib la xidho.
Hoos Gujji oo dhegeyso Gabayga uu Tiriyay:
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com