Saturday, October 5, 2013

Sanad Guuraddii 1-aad ee ka soo wareegtay Geeridii Abwaan Gaariye oo lagu jiro iyo Cali Xaruuri oo Maanso Baroor-diiq ah ka tiriyay


Abwaan Cali Xaruuri ayaa MAANSO BAROOR-DIIQ ah ka tiriyay Geeridii Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo sanadii koowaad lagu jiro.




Abwaanka ayaa kaga waramaya qiimihii iyo shakhsiyadii Marxuumka, waxaanu ku sawirayaa dareen ahaan siduu uga murugaysanyahay in qof noocaas oo kale ah Geeridu haleesho, inkasta oo ay xaq tahay oo aan qofna baajin karin ama tahay Dariiq Umadda loo jeexay oo la wada marayo .




Waxaanu Maansadiisa ku bilaabay sidan:-




Geeridu markii ay




garanwaa haleeshiyo




markay geesi qaadaa
dareen gaara weeyee
ma galbaday abwaankii




geesigii miyuu baxay




GAARRIYE ma jiitoo
ma god galay halyeygii




ina Xaashi miyu go´ay




gaadh buu ahaa adag




bulshadu ay ku gama´doo




gaashaan buu ahaa bira




geestiisa loo biqin




indheer-garad wuxu ahaa




garasho dheer lahaayow




ma gabbade wuxu ahaa




runta weligii gees marin




garyaqaan wuxu ahaa




dhibbanaha u gargaaree




Geeridu xaqweeyoo




NINBA GOOR AY NOQOTABA




Godka lama huraayee




goobtuu banneeyaan




mala goconayaayow




garasho dheeridiisii




mala goconayaayow




galilyaa jidhkeygii wada gaadhay maantee




Taariikhdu waa ma guurtee




diinwaan ayuu galay




Magaciisii muu go´in




murtidiisi ma ay gudhin




GAARRIYE ma uu dhiman




kamu guurin xiskeennii




gal dahab buu ku qoran yahay




aan soo gaabsho hadalkoo




gunaanado dhambaalkee




Gargaar kale ma hidin karo




duco ila gudboonoo




galabta aan awoodee




Guullow Allahayow




u waasici godkiisoo




kuwa gelaya Fardowsee




Geeshkii rasuulka ah




GAARRIYE ka yeelow




Galladdaada ugu deeq




Aamiin Aamiin Aamiin




 




Cali M. Aadam (Cali Xaruuri)