Pages

Friday, October 4, 2013

Safaaradii Ruushku uu Ku Lahaa Dalka Liiibiya oo La Weeraray?


(GNA) Saraakiisha dowladda Ruushka ayaa sheegay in safaaradii ay dowladda Ruushku ku lahayd dalka Libiya ay weerareen kooxo hubaysan.




Kooxaha hubaysani ayay sheegeen saraakiishu inay isku dayaan inay gudaha u galaan xarunta safaarada oo ku taal magalaada Tripoli ee caasimada dalka Libiya.




Ilo wareedyo diblomaansiyiin Ruushka laga helayo ayaa sheegaya in dowladda Libiya ay sheegtay in aaney jirin cid ka mid ah shaqaalihii safaaarada oo wax ku noqotay weerarkaasi.




Diblomaansiyiinta ayaa sheegay in kooxihii hubaysnaa ay rasaas ku fureen halkii uu ka babanayay calanka dowladda Ruushka ee afaafka hore ee safaarada.




Xaalada safaarada oo haatan dagan ayaan la ogayn cida sida rasmiga ah uga danbaysay weerarka safaaradaasi in kastoo la sheegayo in mid kamid ciidamada dowladda Libiya lagu dilay halkaasi.




Weerarkani ayaa daba socda weeraro kale oo dalka Liibiya loogu gaystay xarumaha safaarado badan oo ay kamid yihiin kuwa Faransiiska iyo Maraykanku wadanka Liibiya ku leeyihiin iyada oo weerarkii ugu danbeeyay ee lagu qaaday safaarada Maraykanka ee dalka Libiya lagu dilay safiirkii iyo sadex kamid ah shaqaalihii safaarada.




Dowladda Liiibiya ayaa sheegtay in dhamaan weeraraada lagu qaaday xarumaha safaaradaha wadamada shisheeye ee ku yaala dalka Libia ay ka danbeeyaan kooxo argagaxiso ah.




Diyaariye:ASKAR




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com