Hargeysa(GNA)-Qabyada Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayaa sababay caqabad diblo-maasiyadeed oo Wufuud Caalami ah ku iman lahaayeen dalka.
Caqabadan ayaa ah Baaxadda Dhabaha Diyaaraduhu ka duulaan oo aad u gaaban, isla markaana aan iska xejinayn Diyaaradaha waaweyn ee loogu talo galay Garoomadda Caalamiga ah, taasoo ah Dhererka Runway-ga oo aad u gaaban.
Madaarka Diyaaradaha ayaa dib u dhis balaadhan lagu sameeyay sanadkan, kaasoo marka la eego qadarka lacagta ku baxday la filayay in la gaadhsiiyo Heer dhigma kuwa Caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Reysal-wasaaraha Turkiga Rejeb Dayib Ordogan Shardi kaga dhigay Booqasho uu ku yimaado Somaliland hagaajinta Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa.
Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkan u waramay Wargeys ka soo baxa Magaalada Ankara ee Turkiga oo magaciisa la yidhaahdo Today’s Zaman ayaa sheegay in Reysal Wasaarre Ordogan taasi ka balan qaaday, waxaanu intaasi raaciyay inay bisha November dalkiisa imanayaa wefti isugu jira Masuuliyiin sar-sare oo dawlada ah iyo Ganacsato Maal-gashadayaal la socdaan.
“Reysal-wasaare k-xigeenka Turkiga Mr. Bekir Bozdag oo ay weheliyaan wefti isugu jira Maal-gashadayaal iyo Ganacsato ayaa Bisha November ee sanadkan booqasho k iman doona Somaliland si kor loogu qaado xidhiidhka labada dal”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Waxaanu intaasi ku daray “Reysal-wasaaruhu wuxuu noo balan qaaday inuu Somaliland imanaya marka ugu horeysa ee la dhamaystiro Dhabaha Diyaaradaha ee Hargeysa”ayuu yidhi.
Dhererka dhabadda diyaaraduhu ka haadaan ee Hargeysa ayaa hada ah 2.446km, waxaana dib u dhiskii lagu sameeyay ku baxday $4.436, taasoo ay Xisbiyadda Mucaaridka ahi xukuumadda ku dhaliilaan habka loo maamulay, kuna tilmaameen mid la musuqmaasuqay oo hadii si wanaagsan loogu kharash garayn lahaa casriyaynta Madaarka dhamaystiri lahayd.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo horaantii todobaadkan Wargeyska Dawlada ee Dawan u waramay, ayaa sheegay in Daraasad laga sameeyay balaadhinta Madaarkan lagu beyaamiyay in lacag gaadhaysa $27 Milyan oo Dollar ku baxayso gaadhsiinta Heer la mid ah Madaaradda Caalamiga ah.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheega inaanay xukuumaddu faraha ka laaban sidii loo dhamaystiri lahaa Madaarka, waxaanu xusay in dawlada Kuwait oo hore u bixisay lacagta lagu dhisay shan Milyan oo kale ku kordhisay lacagtii ay hore ugu bixisay.
Waxaana qaadhaanka kale ee Kuwait ugu deeqday dhismaha Madaarka todobaadkii hore sheegay Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi oo safar hawshaasi la xidhiidha ku tegay waddankaasi, isla markaana afhayeen u hadlay wasaaraddu sheegay inuu saxeexay heshiis cusub oo arintaasi la xidhiidha.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com