Pages

Sunday, October 13, 2013

Muqdisho: Safaaradda Turkiga ee Somaliya oo Gubatay iyo Saraakiisha Amaanka Sakhiray Khasaaraha ka dhashay






Muqdisho(GNA)-Dab ayaa  ka kacay Gelinkii dambe ee Maanta Safaaradda Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya, kaasoo sida ay Saraakiisha Amaanku sheegeen wax khasaare ah geysan, laguna guulaysay in dhakhso loo bakhtiiyo.




Safaaraddan ayaa furnayd muddo aad u kooban, waxaana jira warar Iskhilaafsan oo ka soo baxaya waxa uu dabkaasi ka dhashay.sababta dabkaasi d




Wararka qaar ayaa sheegaya in Dabka uu ka kacay mid ka mid ah gawaarida aan xabaddu  karin ee loo yaqaano Bullet Proof, kaasoo sida la sheegay ay Shoodh qabsaday, ka dibna gaari kale u sii gudbiyay dabka.




Qiic iyo uuro ayaa is qabsaday Dhismaha safaaradu ku taalo , kaasoo laga arkayay meelo ka fog fog meesha ay ku taalo u dhaxaysa Taraabuunka iyo KM4, kuna dhow madaxtooyadii C/qaasim ee Muqdisho.




Afhayeenka Ciidamada Booliska Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in aanay wax qasaare ah uusan sababin dabka, hase ahaatee gawaarida dab damiska oo goobta gaaray ay dabka damiyeen.




ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xafiiska oo la xidhiidha arintan, balse ilo-wareedyo kala duwan ayaa muujinaya in dabkani ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo tuuray.




Horaantii sanadkan ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho Qarax Bom lagu dilay Sarkaal ka tirsan ilaalada Safaarada Turkiga ee Muqdisho, waxaanay xiligaasi Anchor sheegtay inaan weerarada lagu bar-tilmaameedsanayo Danaha dawlada Turkigu aanay waddada ka weecinayn dedaalada ay  ka waddaan somaliya.




Turkiga ayaa ka mid ah tiro waddamo ka mid ah Midowga Yurub oo safaaraddo ka furtay dalka somaliya si  ay u fuliyaan danaha dawladdahaasi ku leeyihiin waddankan 23 sanadood qalalaasuhu halakeeyay.




Ma cadda in arintan Maanta ka dhacday Safaarada  Turkigu wax saameyn ah ku yeelan doonto sii socoshada hawlaha xafiiskan, inkasta oo dabku waxyeelo weyn soo gaadhsiiyay Dhismaha ay ku jirto, taasina ay suurto-gal ka dhigayso in macluumaadkii xafiiska yaalay waxyeelo gaadho.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com