Tuesday, October 15, 2013

Munaasibadda Ciida-Adxada oo Caalamka looga dabaal-degayo iyo Waayaha lagaga ciidayo Dalalka Af-Somaliga ku hadla


Hargeysa(GNA)-Saaka oo Salaasa ah waxa Caalamka Islaamka  iyo Meel kasta oo ay ku dadka Muslimiinta ahi joogaan ka socda Dabaal-degyada Munaasibadda Ciidal Adxadda oo ku beegan Maanta.
Ciida Adxada ayaa ka mid ah Munaasibadaha ugu waaweyn ee Umadda Islaamka, waxaanay dadka Islaamka ahi shaqooyinka fasax ka galaan muddo Maalin ilaa saddex cisho u dhaxaysa, iyagoo intaana ku jira farxad iyo dabaal-degyo joogto ah.
inta badan waddamada Islaamka ee laga ciiday ayaa saaka lagu waaberistay Nabad-gelyo iyo Farxadda Ciida, base waxa jira waddamo badan oo Islaam ah oo ay ciidu u soo gashay iyagoo ku jira Marxalad colaadeed (Ilaahay ha ka qaboojiye).
Munaasibadaha Ciidaha, ka sekow Salaadaha sunaha ah ee la tukaado subaxnimada,  waxa u gaar ah inay dadku soo xidhnaa labis cusub, isla markaana isu muujiyaan wajiyo farxadi ku dheehantahay, taasoo ay ku ladhantahay hadalo suuban oo lays dhaafsado "Ciid Mobaarig ".
Dalka Somaliya ayaa ka mid ah Meelaha saaka lagu ciiday jawi nabadeed iyo degenaanshiyo siyaasadeed, taasoo dadka fursad u siinaysa inay niyad samaan ku ciidaan.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxda Dawlada Federaalka ah ayaa Salaadda Ciida Shacbiga Magaalada Muqdisho kula tukaday.
sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Magaalada Hargeysa shacbigiisa kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Magaalada.
guud ahaanba wadamada afka Somaliga lagaga hadlayo, khaasatan Somaliya, Somaliland, Djabouti iyo Kilalka shanaad ee Itoobiya ayaa inta laga warqabo saaka nabad lagaga ciidayaa, mana jirto inta aanu ognahay wax dhibaato ah oo ka dhacaya Dhulalkaasi.
La soco Gobanimonews iyo Munaasibadaha Ciidda
Kuli-caam wa antum Bil-kheyr