Tuesday, October 15, 2013

Madaxweyne Siilanyo: Shacbiga Somaliland waxay soo qabsadeen waxa ka baaxad-weyn hawsha u taala”


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa dhambaal Hambalyo ah iyo talooyin u soo jeediyay shacbig somaliland munaasibadda Ciidal Adxada Awgeed.




Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay shacbiga Somaliland hawl-badani u taalo, waxaanu ku bilaabay qoraal uu caawa soo saaray oo Gobanimonews soo gaadhay sidan:




“Hambalyada Madaxweynaha Ciidal Adxa 2013




Bismilaahi Raxmaan Raxiim,




Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimaau-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaan munaasibada Ciidal Adxa leeyahayCiid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caamin wa antum bikhayr.




Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.




Aamiin              Aamiin              Aamiin




 




Hambalyadaas Ciida ka dib, waxaan Bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka muddada dheer ay soo wadeen, iyaga oo shacbi iyo dawladba is-kaashanaya.




 




Dedaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timid Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda.




Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa.




Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka.




Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo”




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com