Thursday, October 10, 2013

Maayirka Berbera iyo Xildhibaanka kula Biiray Kulmiye oo Giraanta Siyaasaddu la Khali-wareegtay iyo Guddida Diwaan-gelinta oo Maxkamad taagay


Hargeysa(GNA)-Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka ayaa Jawaab ka bixiyay Dacwad ka dhan ah Maayirka Berbera Cabdishakuur Cidi iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka ee Berbera oo dhawaan ka baxay Xisbiga UCID kuna biiray Kulmiye.




Guddida ayaa laba Mudane ka codsatay inay soo cadeeyaan inay Xisbiga UCID ka baxeen iyo in kale, si arintooda go’aan looga gaadho, taasoo ah caqabad sharci oo dabartay mawqifkoodii ay kula biireen Xisbiga Kulmiye.




Laba Mudane ayaa bishan horaanteedii xaflad balaadhan Xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay, taasoo ay kaga dhawaaqeen inay ka baxeen UCID, una digo-rogteen Kulmiye.




Guddida diwaan-gelinta ayaa soo saaray laba qoraal oo isku lifaaqan oo ay arintan jawaab kaga raadinayaan Cabdi-shakuur iyo Xildhibaanka kale, taasoo hadii ay qirtaan ay ku waayayaan laba Kursi, sida uu dhigayo Xeerka Diwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta qaranku ee Xeer lr 14, hadii ay dafiraana la  hayo Cadeymo muujinaya go’aankooda kulmiye ku biirista ah.




Cadeymahaasi ayaa waxa ka mid ah Istiikaro ay ku muujiyeen Sawiraddooda oo Kulmiye ah iyo lahjadihii ay isticmaaleen markii ay munaasibada ka hadleen.




Qoraalka koowaad ee Guddida ayaa u dhigan sidan “Anagoo tixraacanay Qoraalka Sida Rasmiga ah uga soo baxay Xisbiga UCID ee Sumaddiisu ahayd Ref: 194/ UCID /2013 kuna taariikhaysnaa  02/10/2013 nuxurkiisuna ahaa Dacwad Xisbiga UCID Ku soo oogay kana dhan ah labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf, ku waas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE.




Qoraalka Su’aalaha lagu waydiiyay ayaa isaguna sidan u dhigan:-




 




Si kastaba ha ahaatee laba Xildhibaan ayaa u muuqda kuwo waayaya Kuraastii loo soo doortay sanadkii hore dhamaadkiisii, taasoo hadii ay dhacdo cida jarka uga talaabsatay ay tahay Xisbiga kulmiye oo xataa buun-buuniyay Xaflada loo qabtay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com