Friday, October 11, 2013

Maayarka Degmada Baki Iyo Qaar Ka Mid Ah Beeraylada Degmadaas Oo Ka Warbixiyay Khasaarihii Dhawaan Ka Soo Gaadhay Roobabkii Ka Da’ay Degaankaas


Boorama-(GNA) Khasaare xoogan oo u badan dhinaca beeraha ayay ka tageen doobabkii u dambeeyay ee degmada Baki ka da’ay, waxana qasaarahani uu yahay mid ku baahsan gabi ahaanba dhul beereedka degmada Baki, gaar ahaan degaanada Dheenta, Xooray, Carawayne.




Maayarka Degmada Baki Md. Maxamed Axmed Caateeye oo qasaarahaasi sookormeerayay ayaa gaadhay degaanadan waxana uu sheegay inq asaarahu uu aad u badan yahay “Dhinaca Beeraha waxa uu roobkani qasaare badan u gaystay dhulbeereedka Xooray, halkaasi oo ay daadadku la tageen dalagii, iyo midhidhii beerahaasi ka baxayay oo uu ku jiro Muus diyaar u ahaa in la iib geeyo, sidoo kale guud ahaan beeraha uu waxyeeleeyay daadadkani waxa ay dhan yihiin 200 oo beerood oo ku teedsan degaankan Xooray, gaar ahaan dhul beereedka Garawo.




“Roobkan oo ahaa mid xoogan biyaha ka dhashayna ay aad u badnaayeen, waxa ay gabi ahaanba aaseen ceelal tiro badan oo laga waraabinayay beerahan, waxana ay dooxan cidhifkiisa sare ilaa cidhifkiisa hoose beerahii ku yaalay ka dhigeen wax dooxa ku biiray, waxana an ku celinayaa Qaylodhaan aan u dirayo dawlada oo aan leeyahay waxa loo baahan yahay in gurmad la soo gaarsiiyo beeralaydan, sidoo kale waxa aan dadka beeralayda ah leehayay bal idinku isku tashada oo ku talo gala sidii aad beerahan uga moosi lahaydeen daadka oo ah dhibaato dabiici ah oo soo laalaabanaysa” ayuu yidhi Gudoomiye Maxamed




Sidoo kale qaar ka mid ah dadka beeralayda ah ee degaanadan Xooray ayaa waxa ay si tiiraanyo ku jirto u cabireen in roobabkani ay ku sababeen daadad dooxyada ku daray midhihii iyo dalagii ay beeranayeen, waxana mid ka mid ah oo dareenkan cabiray uu yidhi “Beertan idiin muuqata waxa ku noolaa in ka badan 150 qoys oo degaanka ah, waxa ay beer ay ka baxaan digirta, tamaadka, geed gab kale oo aad u tiro badan, waxana ay daadadku ka dhigeen wax baaba’ay, sidoo kale waxa naxdin leh in dhul beereed aan ka manaafacaadsan jirnay uu maanta noqday qayb dooxa ka mid ah oo aan faaiido lahayn, ceelashii waa naga aasay oo waxa ay markan u baahan yihiin in dib loo qodo, sidoo kale, waxa naxdin leh in masiibadan ay tahay mid ku baahsan beeralayda degmada Baki oo dhan isla markaana ay aad u yar tahay tamarta iyo awooda aan wax kaga qaban karno,waxana aan u qaylo diranaynaa Eebe ka sokow xukuumada iyo hayadaha kale ee deeqaha bixiya kuwaas oo aan leenahay nala soo gaadha GABYAN iyo agab kale oo aan daadka kaga weecino waxa ka hadhay beerahan ee aan maanta ku noolnahay, hadii kale waxa suura gal ah in barakac uu ku yimaado dadka degaankan.




Si kastaba ha ahaatee Qasaarahan ay daadadka ka dhasha roobabka ka da’a Baki ku sababaab beeralayda ayaa ah mid balaadhan oo soo laalaabta, waxana meesha wali ka maqan waxa ay tahay in casharo laga barto oo loo tabaabushaysto sidii looga digtoonaan lahaa qasaare kale oo ay gaystaan roobab ka da’a degmadaasi Baki oo ah degmo uu dhaqaalaheeda ugu badani ku xidhan yahay beeraha.




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office