Pages

Thursday, October 10, 2013

Laascaanood:Muran ka taagan Mooshin ka dhan ah Maayirka oo sababay in Xildhibaan Golaha Deegaan ah iyo Bilaysku isku dhacaan


Laascaanood, (GNA)-Maayirka magaalada Laascaanood C/qaadir Jaamac Saalax, ayaa beeniyay,waxba kama jiraana ku tilmaamay warar warbaahinta qaar baahiyeen oo sheegayay in xildhibaan ka tirsan golaha degaanka laascanood ay dhaawac gaadhsiiyeen ciidamada booliska, kadib markii ay ciidamadu iska-hortageen hoolka shirka dowlada hoose oo ay ku qabsan lahaayeen fadhi aan caadi ahayn xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha golaha degaanka laascanood.




Maayarka magaalada Laascaanood oo u Waramay Wariye Yoonis Maxamed Jaamac isagoo jooga magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Xildhibaan Baastoolad ku hubaysani isku dayay inuu la soo galo xafiiska Shirarka ee dawlada hoose,kaasoo Bilaysku u diiday.




 “ma jiro  xildhibaan la dhaawacay, balse waxay ahayd xildhibaan baastoolad sitay oo damcay inuu soo galo hoolka dacwadu ka socatay oo ciidamadii boolisku  ku yidhaahdeen baastoolada keen isna wuu diiday inuu baastooladii u dhiibo askartii ka dibna anaa kala dhexgalay kala kaxeeyayna iyadoo wax khasaare ahi  dhicin”.




Maayirka Laascaanood sidoo kale waxa uu ka hadlay sharciayada xidhibaano ka tirsan golaha degaanka laascanood oo wada mooshin xilka ay kaga qaadayaan, waxaanu tilmaamay inay sharci darro  tahay wakhti xaadirkan kana hor imanayso wareegtadii wasaarada wasaarada arrimaha gudaha.




“Afar xildhibaan ayaa ii keenay warqadan ay ku dalbanayaan kal-fadhi aan caad ahayn oo mooshin igu soo oogayaan, kadina waxaan ku wargaliyay inay sharci darro  tahay wakhti xaadirkan kana hor imanayaan wareegtadii wasaarada arrimaha gudaha ee faraysay inaany xildhibaanadu mooshin oogi karin ka hor inta la dhamaystiriyo xeer hoosaadka iyo dhismaha gudiyada golaha degaanka”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaanan u balan sanahay maalinta sabtida fadhi aanu ku samaysanayno guddiyadii goluhu yeelan lahaa”. Ayuu yidhi Maayirka Degmada Laascaanood




Golaha  deegaanka degmada laascanood ayaa  in mudo ahba u dhaxeeyay khilaaf sababtay inay gudan waayaan howlihii bulshadu u dooratay ee ay ka filaysay inay dhaqaajiyaan,taasoo ah dar-dar gelinta adeegayada bulshada.




Gobanimonews




Laascanood Office




Email: editor@gobanimonews.com