Friday, October 11, 2013

Kismaayo: Kud ka Guur oo Qanjo u Guur iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Amaanka xumeeyay oo is-bahaystay!Warbixin


Muqdisho(GNA)-In ka badan  7 Hogaamiye Kooxeed oo isku haysta Sheegada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubland ayaa bilow u ahayd Qalalaase ilaa hada ka taagan Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo xarun ah.




Lix  ka mid ah Kooxda hogaamiyeyaashan iyo Taageerayaashooda  ayaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ka waday dhaqdhaqaaqyo loogu magac iyo Muuqaal daray xal u helida xiisadaha ka oogan Goboladda Jubbooyinka.




Shir ay Maalintii shalay isugu yimaadeen Kooxdaasi ayaa laga saaray qoraal dheer oo ku taxaluqa sida wax lagaga qaban karo xaalada Gobolkaasi ka oogan oo marba marka ka dambeysa isa soo taraysa.




Qoraalka ayaa lagu taageeray Shirka dib u heshiisiinta ee 21 bishan lagu qabanayo Muqdisho, kaasoo ay dhinacyadu istuseen in xal lagu gaadhi karo, hadii nidaam sax ah loo maro, isla markaana dawlada Federaalka Somaliya dhex ka noqoto.




Waxaanu Warsaxaafadeedkoodu u dhignaa sidan:-




 




Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka laga helayo waxay sheegayaan in xaalada amaankiisu aanay wanaagsanayn, isla markaana marba marka ka dambeysa sii qarimayo.




Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Jubaland Dawladda federaalku kala xaashay ayaa ku sugan Muqdisho oo aan wax  gacanta ugu jiraa jirin.




Dawlada Federaalka ayaa ah ee Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa looga baahanyahay inay qaado talaabooyin deg-deg ah oo lagu xasilanayo Gobolka si xataa dhinacyada shirka Dib  u heshiinta ka qayb-gelayaa Sal nabad qaba ku fadhiistaan Madasha shirku hadii ay furanto.




Laakiinse suurto gal maaha in Dad Gurigoodii Ololayo lagu maslaxo shirar dib u heshiisiineed, maxaa yeelay ka wada xaajoodka nabadda, waxa ka horeeya xabad joojin iyo in xaalada degenaanshiyo lagu soo dabaalo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com