Pages

Monday, October 7, 2013

Khadka Internet-ka ee Shirkadda SOMTEL oo Cilad u fadhiya Maalintii 2aad


Hargeysa(GNA)-Khadka xaga Internet-ka ee Shirkadda SOMTEL, ayaa Hawada ka maqan Maalintii labaad , ka dib markii Cilad farsamo ku timi mid ka mid ah Taawarada Shirkadda ee Gudbiya fariimaha Isgaadhsiinta, kaasoo ka mid ah kuwa ka soo qaada Xarunta laga maamulo khadka shirkadda ee Dalka Djabuuti.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shirkadda oo la xidhiidha ciladan, sababtay in Khadka internet-ka ee Shirkadda  gabi ahaanba habi ahaanba shaqayn waayo, balse sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo arimaha isgaadhsiinta u dhuun daloola, ciladan ayaa ka dhalatay Taawar shirkaddu leedahay oo ku yaala deegaanka Ceel-gaal ee dhinaca Xeebta Galbeedka.




Taawarkaasi ayaa ah kuwa khadka ka soo gudbiya dhanka Jabuuti, waxaana la sheegay inuu dhacay, taasina ay sababtay hoos u dhac ku yimi awoodda khadka uu soo gudbinayo.




Ciladdaha adeega Internetka ee dalka, gaar ahaana khad-ka Shirkadda Somtel ayaa soo noqnoqda, macaamiishuna dhibaato weyn ku qabtaa, taasoo aan ilaa hada loo maaro helin, isla markaana shirkaddu damaanad buuxda bulshada ka siinin.




Internet-ka ayaa ka mid ah noqday adeegyada daruuriga ah ee ay  xafiisyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba joogtada u isticmaalaan,kuwaasoo culays badan oo shaqo soo fuulo marka uu go’o, qaarna hawshoodu istaagto.




Bulshada Caadiga ah ayaa sidoo kale si joogto ah ugu wada xidhiidha Adeegan, iyadoo ay jiraan baahiyo faro badan oo dadku uga faa’ideystaan macluumaad gudbiyahan oo sida Telefoonnada gacanta bulshada ula qabatintay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com