Friday, October 4, 2013

In ka badan 130 ayaa ku dhintay Xeebta jasiirada Lampedusa


(GNA) Ugu yaraan 130 qof oo Afrikan ah ayaa ilaa hadda meydkoodi la helay, qaar kale oo badanna waa la la'yahay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay kula degtay meel u dhaw xeebta jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.




Waxaa nolol lagu badbaadiyay ilaa 150, hase ahaatee waxaa wali maqan 200 oo kale. Dadkaasi inkasta oo aan faahfaahin buuxda laga heyn, waxaa la sheegay inay u badan yihiin Eritrean iyo Soomaali.





Badhasaabka jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaniga ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay laga soo saaray badda, ka dib markii ay halligantay dooni ay saarnaayeen ilaa 500 oo qof oo ah tahriibayaal Afrikaan ah.




ilaa 130 ayaa ku dhintay badda




Waa markii labaad ee toddobaad gudihiisa ay dad Tahriibayaal ah ku dhintaan baddaasi.




Dadka halkaasi ku dhintay sida wararku ay sheegeen waxa ka mid ahaa dumar uur leh iyo caruur. Waxaana la aaminsan yahay in ay ka soo kicitameen Libya markii ugu dambeysay.




Ra'issalwasaaraha dalka Talyaanigu waxa uu ku tilmaamay shilkani mid aad u xun oo argagax leh, welina waxa socda baadhitaankii meydadka dadkaasi badda ku halligmey.




 








 




Markabka ay la socdeen dhawrkan boqol ee tahriibayaasha ahi waxa uu degey ka dib markii uu dab qabsaday, isaga oo maraya meel u dhaw xeebta Lampedusa, sida ay sheegeen dad goojoogayaal ah oo ka mid ah dadkii nolosha lagu soo badbaadiyey ee Markabkaasi saarnaa.




Jasiiradda Lampedusa oo u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Tunisia waxay ka mid tahay marinnada ugu waaweyn ee tahriibayaashu ay ka soo galaan qaaraddani Yurubta Galbeed.




Diyaariye:Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com