Tuesday, October 8, 2013

Hay'ada Save the Children Oo Dugsiyo cusub oo ay dhistay iyo kuwa ay dib uhabayn ku samaysay Ku Wareejisay Wasaarada Waxbarashadda


Boorame (Somaliland.Org)-Ha’yada Save the Children ayaa dugsiyo cusub oo ay ka dhistay deegaanka ceel baxay ceel baxay ee gobolka Awdal iyo qaar kale oo ay ku samaysay balaadhin isla markaana la dhamaystiray ku wareejisay wasaarada Waxbarashada ee Somaliland iyo mida gobolka Awdal.




Dugsiyadan oo isugu jira kuwo Sare iyo kuwo hoose ayaa waxa munaasabadahaas lagu wareejinayay aya ka dhacday isla degaankaasi  waxana goobjoog ka ahaa Saraakiil ka socotay hayada Save the Children , Madaxda heer qaran iyo heer gobo ee Wasaarada Waxbarashada, Madaxda degmada, xildhibaano, Maamulayaal, Macalimiin, Arday iyo daneeyayaal kale oo aad u tiro badan.




Ugu horayntii ayaa Axmed Abokor oo ka tirsan Hayada Save the Children, waxa uu u mahad naqay Midawga Yurub oo uu tilmaamay inuuu yahay deeq bixiyaha ugu wayn ee dhinaca waxbarashada Somaliland ka taageera waxana uu ka waramay dugsiyadan ay ku wareejinayaan Wasaarada Waxbarashada oo qayb ka ah Mashruuca Hormarinta Cilmiga waxana uu yidhi “ Mshruucan waxa la yidhaa hormarinta cilmiga, waxana maalgalisay midawga yurub, waxana fulintiisa iska kaashaday Hayada Save the Children iyo Wasaarada Waxbarashada, waxana guud ahaan dalka oo dhan laga hirgaliyay 25 dugsi hoose dhexe, iyo todoba dugsi sare oo cusub, iyo lixdan fasal oo lagu daray dugsiyadii sare ee hore u jiray iyo 50 fasal oo kale oo lagu daray dugsiyada hoose”




Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxana aya tahay ujeedada ka dambaysa hawlahaas oo dhami in la rumeeyo xaqa uu ardaygu u leeyahay waxbarasho, Ilmo walba oo aduunka ku nool waxa uu xaq u leeyahay helitaanka waxbarasho, sidaasi oo kale ayaa ilmo walba oo reer Somaliland ah miyi ama magaalo mida uu doono ha joogee waxa uu xaq aasaasi ah u leeyahay inuu helo waxbarsho, meelaha aanay gaadhay awooda Wasaarada waxbarashaduna waxa ka caawin doona haayadaha caalamiga ah iyo deeqbixiyayaasha uu midawga yurub ugu mudan yahay.




“Gobolka Awdal Waxa aan ka dhisnay guud ahaan 7 dugsi oo 3 ay yihiin kuwo sare halka ay afara kalena ka yihiin kuwo dhexe, qaar waxa lagu daray fasalo cusub oo balaadhin ayaa lagu sameeyay, halka qaarka kalena dhismayaal cusub loo dhisay, waxana ka mid ah dusgigan hoose ee Ceel baxay aan ka dhisnay, iyo balaadhinta aan ku samaynay dugsigya Muuse Hodoon iyo Ardaale sidaasi oo ay tahay waxa ay Hayada Save the Children, qaaday talaabooyinkan iyada oo ogsoon inay buuxinayso baahidii ka timid dhinaca degaanadan ee ku aadanayd dhinaca hormarinta waxbarashada, waxana aan guud ahaanba ku dardaarayaa, dadka degaanka, wasaarada waxbarashada ee aan dugsiyadan kuw wareejinayno, maamulayaasha iyo daneeyayaasha kale ee waxbarashadaba inay daryeelaan dugsiyadan loo dhisay kana waafiidaystaan” ayuu yidhi  Axmed Abokor




Agaasimaha Waaxda Kormeerka ee Wasaarada Waxbarashada . Axmed Cabdilaahi Rooble iyo Gudoomiye ku Xigeenka Waxbarashada ee Gobolka Awdal Aadan Faarax Ilkacase oo kala wareegay Hayada Save the Children dugsiyadan ayaa u mahad naqay hayadan iyo Midawga Yurub oo deeqda soo bixiyay, waxana ay tilmaameen in mashruucan hormarinta Cilmiga ay wax badan ka faadiidaysteen isla markaana ay tahay siyaasada W/Waxbarashada ee Qaranka Somaliland in Ilmo walba uu helo goob uu wax ku barto oo uu xaq u leeyahay.




Maayarka Magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo Maayarku xigeenka Boorama Maxamed Faarax Dheerayste oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay soo dhaweeyeen dhismayaashan cusub ee dhinaca waxbarashada ah, waxana ay waajib ku tilmaameen in la taaba galiyo kaabayaasha waxbarashada, iyaga oo kula darbaarmay W/Waxbarashada iyo daneeyayaasha kale ee ku lamaan inay ilaashadaan dhismayaashan kana faaiidaysataan.




Xil. Sh. Ibraahim, XIl. Rooble maamulayaasha dugsiyadan iyo daneeyayaasha kale ee dugsiyadan waxbarashada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ka mahadnaqeen dhismayaashan waxana ay sheegeen in loo bahan yahay in waxbarashada la taageero la is garab taagana sidii loo tayayn lahaa, mar hadii maanta meelahan dugsiyo laga dhisay.




Mashruucan Hormarinta Cilmiga ayaana ka mid noqonaya mashaariicda ugu faaiidada badan ee soo maray waxbarashada gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland




Wariye Mustafe Caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office