Friday, October 4, 2013

Haween dhameystay waxbarashada dadban oo shahaadooyiin la gudoonsiiyay


Hargeysa(GNA)-waxaa hoolka shaqaalaha ee magaalada hargeysa lagu qabtay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay laba boqol iyo lix iyo sagaashan dumara oo dhameystay waxbarashada dadban iyo xirfadauwan ee lagu shaqeysto. sida cilaansaarka dawaarka iyo koofeerka ha kala d  oo ay baranayeen mudo dhan lixbilood




hadaba xafladan sida weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galey wasiirul dawlaha shaqada iyo arimaha bulshada marwo shukri xariir ismaa;iil gudoomiyaha haayada IPRT madaxa haayada Mercy Crop marwo nuura cartan maxamed waalidiinta ardayda waxka baraneysay iskuulka haajiya haweeya cabdi maamulaha iyo macalimiinta dugsigaasi




waxaana ugu horeyn  madashaas hadalkooban ka soo jeediyey ayaa waxaanu sheegay inay iyaga ka haayada IPRT ay iygu shaqsiyan qayb weyn ka qaatan ugana qalin jabinayaan 45hablood oo mudo ay waxsoo barayeen 55kalana ay u hadheen oo ay soo raaci doonan qalin jabinta danbe ee ardayda kuwan ka danbeeya waxaanu kula dardaarmey ardayda inay sii wataan waxbarashada oo aaney meeshaas kaga hadhin kuna dadaalan waxbarashada




dhanka kale waxaa madashaas ka hadashey madaxa qaybta waxbarashada dadban marwo nuura cartan yuusuf waxaana hadaladeedi ka mid ahaaisada tan




ugu horeyn waxaan halkan ka salaamaya ardayda iyo waalidinta madaxda ka soo qayb gashay xaflad bacda salaan waxaa aan markii aan madashan soo galay ee aan arkey inay gabi ahaan inta meesha fadhida inay i habla yihiin si weyn  ugu farxay anaga oo ay wada shaqeyni naga dhaxeyso macalimiinta madaxda dugsigan una waxaanan si weyn ugu mahadnaqayaa macalimiinta ardaydan wax soo bartay




sidoo kale iyadoo siiwada hadalkeeda waxaa ay sheegtay inay ka haayad ahaanka caawiyeen 66 arday oo iyagu dhameyastay waxbarashada akhriska iyo qorista  iyo xaga gunaada macalimiinta ardayda waxbarta waxaa kale oo ay balqaaday inay ka haayad  ahaan ay gacan ka siindoonan barashada xirfadaha kala gadisan ee ay ku shaqeysan karaan mustabalka ardaydani




 waxaan ugu danbeyn ku  dhiiri galinaaya  maamulka iyo macalimiinta arday waxbareysa iney u dadaalan ardayda ardaydana ku dhiiri galiyan sidii ay waxbarashadooda u dhameysan lahaayeen kana dhab sheegaan waxaa ay baranayaan




gabagadii waxaa xaflada soo xidhay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada marwo shukri xariir ismaaciil iyado ka xugwaran taariikhda uu soo maray dugsigan xaajiya haweeya cabdi mooge sheegtayna in dugsigani taariikh ku leeyahay aqoonta dhaqaalaha qoyska iyo hprumarinta arimaha bulshada yahay aqoontiisu isu dhameystiran tahay ahna dugsi muuqaal wanaagsan fursadna siiyey hablaha aan jaaniska u helin iney waxbartaan amase aan wakhtiggu u saamixin waxaanan idinku guubabinayaa hooyooyinka iyo hablaha hooyo sugaha ah ineydun waxka barantaan dugsigan saacadaha aad jaaniska heysataan




dhanka kale iyado hadalkeeda sii wadata waxaa ay u hanbalyeysan macaliminta iyo maamulka dugsigan sida hagar la’aanta ah ee ay ardaydan wax u soo bareen iyago si toosa ugaga faaiideeyey cilmigooda iyo aqoontooda




ugu danbeyn waxaa ardaydii iskuulkan waxbarashada dadban dhameystay ay shahaada sharafyo gudoonsiiyeen maamulkii iyo macalimiinti wax soo barey iyo madaxdii ka soo qayb gashey xafladan