Pages

Tuesday, October 15, 2013

Hargeysa: Ururka Hilibleyaasha oo 20,000,000Shls ugu deeqay Horumarinta Waddooyinka dalka


Hargeysa(GNA)-Ururka iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo ayaa shaaca ka qaaday lacag ay ugu deeqeen dhismaha waddooyinka Somaliland.




Xunbo ka tirsan ururka iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo oo caawa munaasibad ay ku taageerayaan hogaanka cusub ee ururkaas ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay kaga dhawaaqeen xadi lacageed oo ay ugu deeqeen dhismaha waddooyinka Somaliland.




Guddoomiyaha Ururka Nafaqo Maxamed Xasan Cali (Guray) oo ka mid ah xubanaha Ururka ee Munaasibadan ka hadlay, ayaa  sheegay in khilaaf soo kala dhex galay  ururkooda, isagoo mahad naq balaadhan usoo jeediyey wasiirka arimaha gudaha oo ku guulaystay inuu soo af jaro khilaafkaas waxaanu yidhi “maadaama oo aanu munaasibadan ku dhanahay mucaarid iyo muxaafidba oo dadkii aanu markii hore is haysanay iyo kuwayagii kalaba aanu halkan wada joogno waa mid wanaagsan haddii aanu isku nimid, khilaafkayagiina sidaas ayuu ku soo dhamaaday waxaanan u mahad naqayaa wasiirka arimaha gudaha ee hawshayadii so oaf jaray”




Gudoomiyaha ururka Nafaqo oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday xadiga lacagta ah ee ay ugu deeqeen dhismaha waddooyinka Somaliland waxaanu yidhi “maadaama oo aanu nahay urur balaadhan waxaanu ku deeqnay lacag aanu ugu tala galnay dhismaha waddooyinka Somaliland, horta dad fara badan ayaanu nahay  ciyaal  iskuulkaba lacagta waa laga qaadaayaane  maadaama oo aanu sadexyo toban sariibadood nahay  sanduuqyana waynu u samayn doonaa dhismaha wadooyinkeena kunka shilin ee aynu ku ridnaana wax ayuu u tarayaa, waxaanu ku deeqnay lacag labaatan milyan ah shilinka Somaliland(20,000,000shls) waxaana nagala yaqaanaa inaanu kor u qaadno dalkayaga maadaamo oo dhaqaalaha dalku yar liicsan yahay haddii aanu nahay ururada gacanta ku shaqeeya wax fara badan ayaanu dalka ku soo kordhin doonaa”ayuu yidhi.




Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xildhibaan Axmed Cali Haybe  oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa waxaanu ku booriyey ururka iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo inay sii wadaan dedaalka ku aadan inay ka qayb qaataan horu marka dalka.




La taliyaha madaxweynaha ee arimaha Dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey talaabadan ay qaadeen ururka hiliblayaasha ee Nafaqo, waxaanu tilmaamay inay tahay talaabo ka qayb qaadanaysa horu marka dalka.




Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xubno ka mid ah ururka hiliblayaasha ee Nafaqo kuwaas oo sheegay inay talaabadan ayaa qaadeen ka turjumayso sida ay uga qayb qaadanayaan horu marka dalka.




Ururka Naqafo oo ah mid ay ku bahoobeen dhamaan Hillibleyaasha Somaliland, ayaa ka mid ah Iskaashatooyinka sida weyn uga qayb-qaata horumarinta Nolosha bulshada, waxaanay inta badan ka shaqeeyaan kobcinta aqoonta iyo tamarta dadka Hilibleyaasha ah oo kaalin mug leh ugu jira bulshada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com








.