Pages

Friday, October 4, 2013

Dumarka Xaaska ah oo la sheegay In ay ka Murugo iyo Cadho Yar Yihiin Kuwa aanan la Guursan Wali.


(GNA) Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Canada, ayaa lagu shaaciyey in dumarka la qabo ay ka farxad badan yihiin kuwa aan guursan, waxaanay caddeeyeen in haweenka sayga amma ubadka leh aanay ku dhicin cudurrada ay dhaliyaan murugada badan ee isku buuqu ka mid yahay.




 




Daraasaddan oo ay ka qaybqaateen in ka badan 6,000 (lix kun) oo haween ah, waxa lagu falanqaynayey khataraha iyo faa,iidooyinka guurku u leeyahay dumarka, waxana lagu ogaaday in haweenka aan guursan ay la kulmaan dhibaatooyin badan oo xagga nafsadda ah, noloshooduna khatar badan gasho.




 




Dr. Marcelo Urquia oo hoggaaminayey cilmi-baadhistan, kana tirsan Jaamacadda Toronto ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi;




Manaan arag wax dhib ah oo ay ka cawdaan dumarka guriga leh, lamana kulmaan dhibaatooyinka maskaxda ku dhasha ee ay ka mid yihiin qoomamada iyo murugada aadka u badan. Waxa kaloo cilmi-baadhistani iftiimisay in haweenka xaasaska ah aad uga duwan yihiin kuwa aan weli la guursan, iyagoo sheegay in guurku dumarka ka ilaaliyo dhibaatooyinka ay ka mid yihiin waalida amma isku buuqa.




 




Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ka warrama ee la yidhaa American Journal of Public Health, ayaa sidoo kale sheegtay in dumarka xaaska leh ee qaaradda Maraykanku noqdeen kuwa ugu yar, sababtoo ah waxa aad uga badan haweenka aan guursan




Diyaariye: ASKAR




Gobanimonews.com