Monday, October 7, 2013

DEG DEG:- Ninkii Hogaaminaayey Weerarkii Westgate oo Gacanta Lagu Dhigay


Dowlada Liibiya ayaa ugu baaqday Mareynkanka inay sharaxaad buuxa ka sooso Weerarkii Mareynkanka uu ku qaaday Magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya halkaasina Mareynkanka ka kaxeystay Nin uu ku eedeyay inuu ahaa hogaamiye ka tirsan Al-Qaa’ida.




Ali Zeidan,waa Reysal wasaaraha Libya wuxuuna soo jeediyay maanta oo Axad ah in Dowladiisa aysan wax badan ka ogeyn ama aysan ogolaan qabsashadii ciidamada Komaandoska Mareynkanka Ninka la yiraahdo Nazih Abdul-Hamed al-Ruqai,kaasi oo laga qabtay Caasimada dalkaasi ee Liibiya.




“Dowlada Liibiya waxay arintaan u aragtaa warar Afduub ah oo lagula kacay Muwaadin Libyan a,kaasi oo Mareynkanka doonayo”,ayuu yiray Mr Zeidan.




Wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay in Dowlada Liibiya kaga hareyn Mareynkanka Falkaan ay ku dhaqaaqdo Balse ay wax badan ka weydiin doonaan,si sharaxaad




Nazih Abdul-Hamed al-Ruqai,ayaa Mareynkanka in badan doon doonayay isagoona ku eedeysan inay door weyn ku lahaa Weeraradii Bambaanada ahaa ee kagu qaaday Safaarada Mareynkanka uu ku lahaa Bariga Africa 1998,kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 224.




Mareynkanka ayaa horay Ninkaan Madaxiisa dul dhigay Lacag gaareysa 5M oo Dollarka Mareynkanka cidii soo qabata ama xog ku aadan keenta.




Dowlada Mareynkanka ayaa inta badan baacsato Hogaamiyaasha Shabaab ay u aragto inay caqabad ku yihiin Jiritaankooda,iyadoo wali ay jiraan Unugyo kale oo wali mareynkanka Liiska ugu jiro oo ay baadi goobeyso.




Howlgalka Mareynkanka uu ka fuliyay Liibiya ayaa ku soo aadaya iyadoo sidoo kale Weerar kale uu ka fuliyay Soomaaliya gaar ahaan Xarun Shabaab ay ku xoogan yihiin oo L yiraahdo Baraawe ee Koonfurta Soomaaliya kla tirsan