Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),ra’iisul-wasaaraha xukuumadda soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibano ayaa kumanaan qof oo soomali ah saalada ciida kula dukaday masjidka isbaheysiga islaamka ee Magaalada.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay ummadda soomaaliyeed ugu hambalyeeyya munaasabadda ciidul-adhxaha.
Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dowlada soomaaliya,iyo sida ay hay;adaha ammaanka ugu garab siiyeen sugidda ammaanka dalka.
Guddoomiyaha gobolka banaadirahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka ayaa ka soo qeyb dukashada saalada ciida.
Halkan ka daawo Sawiradda:
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com