Pages

Sunday, October 6, 2013

Ceerigaabo: Xukuumadda oo Amartay in la xidh-xidho Isimo ku gacan-sadhay qorshe looguBan-dhigay Shir lagu kala kacay iyo Wadhida ka raacday


Ceerigaabo(GNA)-Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa Maanta kulan ku yeeshay Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Beelaha Gobolka wada degen iyo xubno wasiirro ah oo ka socda xukuumadda Somaliland, kuwaasoo shalay u yimi si ay u xaliyaan xiisad ka dhex taagan Bulshada Magaalada ceerigaabo oo salka ku haysa khasaare ka dhashay shaqaaqo ka dhacday todobaadkii hore.




Wasiirrada Xukuumadda ka socda, ayaa Madaxdhaqameedka ay la kulmeen saaka ku war-geliyay in qorshaha ay u socdaan tahay sidii dhinacyada khasaaruhu ka soo gaadhay Rabshadihii magaalada ka dhacay dawladu siinayso wixii mag dhow ah, oo ah dhaawacyo soo gaadhay ilaa 8 qof oo laba beelood ka soo kala jeedda.




Kulanka dhex maray labada dhinac oo albaabadu u xidhnaayeen sida ay Gobanimonews wararka ku heshay, ay Madaxdhaqameedyada arintan loo bandhigay ku gacan saydheen qorshaha dawladu ula timi, waxaanay ku doodeen in arintaasi wada xaajood uga socdo beelaha Magaalada wada dega ee dadka dhibtu gaadhay iyo kuwa geystayba ka soo kala jeedaan.




Madaxdhaqameedka iyo  Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa ku kala kacay kulankaasi, waxaana la sheegay in laysku mari waayay mawqifka dawladu taagantahay “Wasiirrada oo isu dhigaya inay afartii beelood ee meesha wada degenaa ka soo kala jeedaan, waxay yidhaahdeen dawladda ayaa wixii khasaare meesha ka dhacay bixinaysa ee faraha halaga qaado dhalinyarada loo tiranayo oo Beesha ay ka soo jeedaan wada xaajood uga socda kuwa wax loo geystay oo ku andacoonaya waa in la soo xidho raga dhibta geystay”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah wax-garadka Ceerigaabo oo kulankan xogogaal u ah.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ka dib markii gelinkii hore ee maanta uu fashilmay shirka Odeyaasha iyo Wasiirrada dhex maray, xili duhurkii ah dhalinyaro ka gadoodsan qorshaha ay wasiirradu wataan Shoobaro kala hortageen weftigan xukuumadda xili ay kormeerayeen goobo magaalada ku yaala.




Dhalinyarada ayaa la sheegay inay buuq iyo mudaharaad kala hortageen wasiirrada, balse ciidamada amaanku ku guntadeen, isla markaana deg –deg u kala eryeen dibad-baxayaashan oo aan tiradoodu sidaasi u badnayn.




Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir oo weftiga hogaaminaya  ayaa la sheegay inuu isla markiiba amray in la soo xidh-xidho Odayaal dhaqameedyada Beelaha Dhalinyaradani ka soo jeeddo, balse sida ay Gobanimonews wararka ku heshay waxa taasi ku diiday xubnaha kale ee wehelinaya, kuwaasoo u sheegay in xadhig iyo talaabooyin qalafsan oo dawladu qaadaan arin sii fogaynayso.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Weftiga Xukuumadda iyo Cuqaasha toona  oo arinta la xidhiidha, balse sida ay sheegayaan wax-garadka Gobolku faro-gelinta xukuumadda ee arintan ayaa ah mid aanay ku qanacsanayn dhinacyada wax ka dhexeeyaan, kuwaasoo la sheegay inay u socdeen wadahadalo la xidhiidha Utunta ka dhaxaysa oo ay geysteen Maleeshiyaad Dawladdu Ciidan ahaan u qaramaysay oo ka qayb-qaatay Rabshado lacag ka bedelka Ceerigaabo  salka ku hayay oo todobaadyo ka hor magaalada ka dhacay.




Odayaasha deegaanka Maleeshiyadaasi ka soo jeedo ayaa la sheegay inay maalmihii la soo dhaafay wada xaajoodku u bilaabay dhinacyada waxyeelada tirsanaya, balse faro-gelintan dawladu ku samaysay fidno cusub abuurayo.




Ma cadda ilaa hada talaabada tan xigta ee masuuliyiintan la saluugsanyahay qaadi doonaan, hase ahaatee dhacdadan ay maanta la kowsadeen ayaa waji gabax ku noqotay yoolkii ay wateen oo dhawaan dhinaca Madaxtooyada laga abaabulay.




Magaalada Ceerigaabo ayaa tan iyo markii shaqaaqadu ka dhacday isbedel dhanka is dhex galka bulshada ah laga dareemayaa, waxaana taasi lagu dhaliilayaa Maamulka Gobolka oo ka gaabiyay wada shaqaynta iyo la xidhiidhka hogaamiye dhaqameedyada Bulsahda.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: Editor@gobanimonews.com