Wednesday, October 9, 2013

Caynabo: Cuqaal ka digtay Xiisad ka taagan Dhul Dawladdu dad shacab ah ku haysto iyo Maayirka oo Shaaciyay qorshe lagu xalinayo


Caynabo(GNA)-Muranka Arrimaha Dhulka ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo badanayaan deegaamadda Gobolka Saraar, siiba Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka.




Xiisad kulul ayaa la sheegay inay iminka ka taagantahay Dhul ku yaala Duleedka Magaalada oo ay isku haystaan Dad Shicib ah oo badan iyo xubno ka mid ah Maamulka Gobolka iyo ka degmada ee Dawladda oo ay is-kaashanayaan sida la sheegay Shirkad Dhulkaasi doonaysa inay Iibsato.




Badhasaab ku-xigeenka Gobolka  Saraar Ibraahim Jaamac Hurri, Isuduwaha Beeraha Faysal Samle , Maayir ku-xigeenka Degma  Cali Maxamud Aadan iyo Xildhibaan Abokor Shidde Cali, ayaa lagu eedeynayaa inay Dhulkaasi doonayaan inay sifo sharci daro ah kula wareegaan, isla markaana inta ay sharci Foojari ah u samaysteen ka iibinayaan Ganacsato Gobolka ka soo jeedda.




Sida ay Gobanimonews u Sheegeen xubno ka mid ah Cuqaasha Gobolka, arintaasi ayaa ku sii siqaysa heer xiisad amni daro ka dhalato, isla markaana gacan ka hadal gaadho, ka dib markii Dhulka muranku ka taaganyahay Masuuliyiinta Dawladdu isku dayeen inay Dhisme ka sameeyaan, si ay awood ugu muquuniyaan dadka ku muduciga ah.




“Dhulkan  oo ku yaala Kantaroolka magaalada, dacalkana ku haya  Laamiga, waxa sanad hore la dejiyay dad xoolo dhaqato ahaa oo xoolihii intay ka baxeen Magaalada soo galay,dabadeed waxa ku qabsaday Nimankan hada ku haysta oo ku sheegay Dhul-beereed, ka dib waxa laysla galay maxkamadda Sharci ah, Maxkamadda shareecadda Islamiga ah ayaa xukun ka soo saaray oo yidhi Dhulkaa waxa iska leh dadka degen, sidiibaanay ku yeesheen”sidaasi waxa yidhi Caaqil Mursal Cabdi Cawad oo ka mid ah Nabaddoonada Gobolka.




Waxaanu intaasi ku daray “sidii iyadoo ah oo dadkii dhulka la siiyay doonayaan inay soo cashuurtaan oo lacagihii qaarkood shubeen , ayaa Nimankan isbahaystay oo kala ah Badhasaab ku-xigeenka Gobolka, Maayir ku-xigeenka, Isu-duwaha Beeraha iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo ahaa Maayirkii hore,hadana waraaqo foojari ah u soo samaysteen”.




Chief Caaqil Mursal, ayaa sidoo kale sheegay “Cabirka Dhulkani wuxuu gaadhayaa 610 oo talaabo, waxaana qaskan wadda oo ugu weyn isuduwaha beeraha oo ilaa Wasaaradda Beeraha Sharci uga raadsaday, markaa meeshaa iminka kacdoonbaa ka taagan, waxaana habeen dhaweyd lagu rogay Gaadhi dhagax ah, si ay habeen u seestaanbaanay qorsheynayaan, dadkiina markii ay ogaadeen ayaa qaarkood qoryo la soo baxeen”ayuu yidhi.




Caaqilka ayaa ka digay in wixii dhibaato ka yimaada Muranka dhulkaasi masuuliyaddiisa ay qaadan doonaan masuuliyiinta faraha kula jiraa, hadii aanay dawladu wax ka qaban ama aanay iyagu ka tanaasulin “nimankani awoodii dawladda ayay isticmaalayaan, shirkadbaana lacag daba wadda oo fan ku bixinaysa, markaa wixii ka yimaada ee amni daro ah iyagaa ka masuul ah oo dusha ku qaadan doona, hadaan iminka wax laga qaban”.




Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha Deegaanka ee Degmada Caynaba ahna Duqa degmadaasi Faysal Axmed Jaamac oo Gobanimonews wax ka waydiisay arintan ayaa xaqiijiyay jiritaanka Dhulkaa laysku haysto, isagoo xusay in labada qoloba dood iyo Dhukumantiyo sharci ah wataan.




“Dhulkaa Shirkadda Aflax iyo qolyaha kale isku haystaan wuu jiraa, labada qolona waxay haystaan waraaqo annaga naga horeeyay oo qaar wasaaradda beeraha ayaaba ku saxeexan, markaa arintooda wa la gelayaa, cidii lehbaana yeelan, dadka deegaanka ah iyo qoladda Shirkadda ah ee sheeganaysa”ayuu yidhi.




Waxaani intaasi raaciyay isagoo ka hadlaya Eedda loo jeedinayo ku-xigeenkiisa oo la sheegay in Gaadhi uu leeyahay Dhulkaasi Dhagax ku rogay “Waxa laygu yidhi Maayir ku-xigeenku Iska rogo uu leeyahay ayaa dhagax ku rogtay, isaguna markii aanu waydiinay wuxuu yidhi waxba kama ogi,markaa intii hore Badhasaabka ayaa naga maqnaa, isagiina wuu noo yimi oo dhamaana dhinacyadii way wada joogaan, arintooda si dhakhso ahbaa loo gelayaa, waanay iska dhamaan doontaa hadaan cilad  kale jirin”.




Duqa Caynaba waxa uu sheegay in Muranka Dhulku yahay wax soo noqnoqda oo mar walba taagan, kan iminka xiisaddu ka aloosantahayna maamul ahaan xalkiisa ku gudo jiraan “dhulkana intaa waa lagu murmaa waanay iska dhamaataa marka dambe oo waa laga heshiiyaa, kolkaa hadii kuwa dhagaxa meesha ku rogay yeeshaana  way qaadan, hadii dadka kale ee sheeganayaa yeeshaana dhagax waa laga guri oo waa la siin”ayuu yidhi Maayirka degmada Caynaba.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta kale ee muranka dhulkan lagu eedeynayo, waxaana noo suurto gei waayay xidhiidh aanu isku daynay inaanu la sameyno si aanu dhankooda wax u waydiino.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com