Pages

Thursday, October 10, 2013

Burco:Dawladda oo Amartay in Aaso Maydka Nin shalay ku dhintay Iska-horimaad ka dhacay Qarraro iyo Beelaha Diriray oo la dhaarinayo


Qarraro(GNA)-Deegaanka Qarraro oo ka mid ah Tuulooyinka Gobolka Saraar waxa shalay ka dhacay iska hor-imaad hubaysan oo laba maleeshiyo beeleed dhex maray, kaasoo ka dhashay muran Baraago Biyaha laga cabo ah oo muddo soo jiitamayay.




Iska hor-imaadkaasoo sababay Dhimashada 1 qof oo ka mid ah Dhinacyada dagaalamay iyo Dhaawac soo gadhay Askari bilays ah oo ka mid ahaa Ciidamo kala dhex galay, ayaa Waan-waantiisu ka socotaa Deegaankaasi.




Gurmad nabadeed isugu jira dawladda iyo dadka ka shaqeeya arrimaha nabadda, ayaa tan iyo xalay halkaasi ku sii qul-qulayay, sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya Xafiiska Gobanimonews ee Magaalada Burco.




Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo labada Badhasaab ee Togdheer iyo Saraar oo ka socda dhinaca Dawladda, weheliyaana xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caynaba, ayaa saaka ku waaberiistay meesha dhibtu ka dhacday, waxaana la sheegay dedaalo nabadeed ilaa maanta socdeen.




Dhinaca kale Madaxdhaqameedyo iyo wax-garad labada gobol ka soo jeeda ayaa ku sugan halkaasi, waxaana socda laba arimood oo kala ah sidii loo soo afjari lahaa muranka gacan ka hadalka sababay iyo in khasaarihii shalay dhacay laga wada xaajoodo.




“arintaa Gurmad badanba ku baxay oo Wasiirka arrimaha guduhu ka mid yahay, waxaanay maraysaa meel fiican oo nabad-gelyada lagu soo dabaalayo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay  Xildhibaan Maxamed Abyan oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Caynaba oo khadka Telefoonka noogu waramay isagoo jooga Qarraro.




Dhinaca kale, Dawladda ayaa amartay in la aaso Maydka Ninka dhintay oo aan ilaa hada la aasin, inkasta oo beesha dilkiisa loo aanaynayaa qaadatay, hadana aan heshiis rasmiya laga gaadhin, iyadoo amarkaasi ka dambeeyay wada hadalo u socday maanta dhinacyada dhibtu kala gaadhay iyo Ergooyinka meesha ku sugan.




Amarkan maydka lagu aasayo ayaa looga gol-leeyahay si loogu gudbo marxalad labada dhinac xabad-joojin lagaga saxeexayo, si halkaasi looga sii ambo-qaado qorshaha lagu xalinayo xiisadaasi, sida uu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha dawlada ee deegaankaasi joogaa.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in saacadaha soo socda labada qolo ee Dagaalamay dhinac walba xubno ka mid ah dadka taladu ka go’do laga dhaari doono,dhaartaasoo salka ku haysa inay joojinayaan xabadda oo wada-xaajood ogolyihiin,taasoo ah arimaha inta badan laga bilaamo daminta xiisadaha Beelaha ku salaysan.




Dhinaca kale waxa la sheegay in Guddi dhaqameed ka kooban Beesha Bariga Burco isla maantaba lagu dhawaaqay, guddidaasoo dhexdhexaadinta laba dhinac loo xilsaaray, isla markaana guddo geli doonta hawsha.




Korodhka Khilaafaadka dhulka Deegaanka ah ee Gobolka Saraar ayaa bilihii ugu dambeeyay si gaar ah ugu soo batay Goboladda Bariga, gaar ahaan Togdheer, Saraar iyo Sanaag, waxaana labadii bilood ee ugu dambeeyay dhacay ilaa afar iska hor-imaad Khasaare geystay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com