Thursday, October 10, 2013

Burco: Nin Shacab ah oo ku dhintay Iska hor-imaad laba Maleeshiyo Beleed ku dhex maray Wadaamo-goo iyo Askari ku dhaawacmay


Qararro(GNA)-hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, Askari ka tirsan Ciidanka Bilayska Gobolka Saraar-na wuu ku dhaawacmay israsaaseyn laba Maleeshiyo beeleed ku dhex martay Deegaan la yidhaahdo Qararro oo ka mid ah Deegaamada hoos yimaada Tuuladda Wadaamo-goo ee Gobolka Saraar.




Labada Maleeshiyo beeleed ayaa ku muransan Dhul daaqsimeed qolo ka mid ahi doonayso inay Baraagaha biyaha laga cabo ka qodato, taasoo dhinac kale ka soo horjeestay,sida ay Gobanimonews u sheegeen saarakiisha deegaankaasi .




Waxaana khilaafkoodu la sheegay inuu mudo soo taxnaa balse maanta iska hor-imaad hubaysani dhex maray,kaasoo sababay dhimashada Nin ka mid ahaa labada maleeshiyo iyo Dhaawac Askariga oo ka tirsana Ciidan Bilays ah oo kala dhex-galay labada dhinac.




Dad Goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in Askarigan Madaxa Xabadi kaga dhacday,dhaawacisuna  culusyahay.




Askariga dhaawacmay ayaa la soo gaadhsiiyay Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka, sida uu khadka telefoonka ku xaqiijiyay Wariyaha Magaalada Caynaba ee Gobanimonews, kaasoo intaasi ku daray inay Ciidamada amaanku ku guulaysteen inay kala eryaan labada maleeshiyo ee iska hor-imaadku dhex maray.




Dhinaca kale , Wariyaha Magaalada Burco ee Gobanimonews ayaa sheegay inay Caawa Magaalada Burco ka baxeen Ciidamo Bilays ah oo dheeraad ah, kuwaasoo ku baxay Deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ee Gobolka saraar.




Wariyaha ayaa intaasi ku daraya inay Cuqaal iyo nabaddoono ka soo jeeda labada deegaan ee xiisaddu ka dhex taagantahay caawa sidoo kale gurmad nabadeed oo lagu daminayo xiisadaasi kaga baxeen Magaalada Burco, lana filayo in la soo afjaro murankaasi gacan ka hadalka dhaliyay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ninka dhintay Maydkiisa la helay goor dambe oo Caawa ah, sida uu noo xaqiijiyay Sarkaal dawlada ka tirsan oo aagaasi ku sugani.




Khilaafaadka dhanka deegaanka iyo Dhulka la magaaleynayo ee Xoolo daaqeenka ah ka dhasha ayaa inta badan geysta dhibaatooyin amni daro, waxaana sanadkii 2011-ka horaantiisii khasaare badan iyo colaad sababay khilaaf ka dhashay Berked biyood oo laga qoday Deegaanka kalshaale.




Taasoo riiq aan ilaa hada laga soo waaqsan iyo colaad dhalisay,isuna bedeshay xiisad waji siyaasadeed foodda la gashay.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com