Pages

Wednesday, October 9, 2013

Burco: Marwada Madaxweynaha oo Haweenka Naafada ah iyo kuwa Xirfadaha u baahan ee Togdheer iyo Sool ku Caawisay Qalab lagu tababaro


Burco(GNA)-Ururka Haweenka Qaranka ee NOW ee Gobolada Togdheer iyo Sool ayaa Maanta lagu wareejiyay Deeq ka kooban Mishiinadda Dharka lagu tolo ama Dawaaro ay ku caawisay  Marwada Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Aamina Maxamuud Jirde(Aamina waris), taasoo ugu talo gashay in Farsamada gacanta lagu baro Haweenka Dhalinyaradda ah iyo kuwa Naafada ah ee Gobolada Togdheer iyo Sool.




Qalabkan oo ay Maamulka Ururka ee labada gobol ku  wareejisay Dalays Shire Faarax oo Marwaddu soo wakiilatay, ayaa lagula kala wareegay xaflad lagu qabtay xafiiska Ururka ee Magaalada Burco, taasoo ay ka soo qayb-galeen Marti sharaf tiro badani.




Gudoomiyaha Ururka Haweenka NOW ee Gobolka Togdheer Deeqa Cismaan (Deeqa Waydaar) oo ugu horayn xafladaasi ka hadashay ayaa ka mahad naqday Qalabka loogu deeqay, waxaanay sheegtay in hir-gelinta tababarka qalabka loogu caawiyay Macalimiintii bixin lahayd ay u baahanyihiin.




''Deeqdan Dawaarada ah ee ay Nasoo gaadhsiisay Mrawada Koowaada aad baanu uga mahad celinayanaa waxaanan doonaynaa inaanu dawaaradan Laba iskuul ku furo oo aanu wax ku baro Dumarka “ayay tidhi.




Waxaanay intaasi ku dartya “Afar Dumar ah oo amacalimiin ah baa loo baahanyahay Musharkooda anagaa iska Doonayna oo damaanad qaadayna waxaanan doonaynaa in aanu sare u qaadno wax barashada Dumarka,waxan kale oo dumarka ugu baaqayaa inay fadhiga ka kacaan oo wadada ceeri gaabo qaadhaankeeda ka qayb qaataan”.
Sidoo kale waxaa iyana halkaas kalmado kooban oo mahadnaq ah ka jeedisay Gudoomiyaha Ururka NOW ee Gobolka Sool Marwo Nadiifo Maxamed waxaanay tidhi''waanu soo dawaynaynaa wax tarkan ay marwadu na soo gaadhsiisay marwadu hadanu nahay Gobol ahaana is beddel wayn baanu dareemaynaa oo xaga amaanka ah waayo waxaad hada arkaysaa madaxdii oo dhan oo bilaa gaadh suuqa ku marayasa waxoogaagii shuushka ahaa illaahay waa naga kor qaaday, waxaanan jecelahay in deeqdan  oo ah markii koowaad ay noosii socoto”.
Ugu danbayntii waxaa iyana soo Gunaanaday xafladaas  Dalays Shire Faarax   oo wakiil uga ahayd deeqdan Marwada Madaxwaynaha  waxaanay w haweenka dalka ugu baaqday inay dedaal kooda sii kordhiyaan oo aqoontooda kor u qaadaan,iyadoo u balanqaaday inay caawimada sii laban laabi Doonaan.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office