Sunday, October 13, 2013

Boliska Holland oo Dooliyaal u tabaray Ogaanshaha qofka Toogashada Geysta.


(GNA) Policeka wadan ka Holland ,ayaa waxaa ay saxaafada u soo gudbiyeen Arin cajiib kadib markii ay sheegen in ay Tabareen xayawaanka jiirka ee wax uriya kuwaasi oo soo saarikaraya Qofka geysta toogasho.




Police ka Rotterdam  ,ayaa Rajeynaaya  in ay noqdaan policekii aduuka ee ugu horeyey oo Jiirka u adeegsada in ay baadhaan shilalka sababa Toogashada iyagoona  baaritankooda u adeegsanaayo  Dooliga Ama Jiirka wax urin sida uu daabacay Wargeyska la yidhaa Volkskrant.




Ilaa iyo hada waxa la tababaray shan ka mid ah  jiirka ku waasi oo ay tababareen Police Rotterdam, waxaana loo bixiyey magaca Baadhayaal caan ah   sida , Derrick, Magnum, Poirot iyo Johnson & Johnston, iyadoo tijaabadii ugu horeysayna lagu guuleystay .




‘ waxaan u is ticmaalikrtaa jiirarkan , ,in ay uriyaan baaruuda qaraxda marka rasaas la riddo sida uu  u shegay mid kamid ah tabarayaasha oo lagu magacaabo  Monique Hamerslag Volkskrant. ‘ sidookale waxaa uu sheegay in ay ka fakarayaan sida  ay ugu baadhi lahaayeen Daroogada , ,Dhiiga ,iyo waxyabe kale oo ay ka mid yihiin aaladaha loo adeegsado  qaraxyada ,




Wargeeyska daaacay ,ayaa waxaa uu sheegay tabarka noocan ah ee jiirku  lagu tababaraayo in aaney lacag badan ku baxeynin iyo waqtibadan ,waxaa uu wargeyska intaasi ku daray in ay leeyihiin Aragti iyo Dareen ka xoog badan kan eeyda ,iyadoo sidookale la sheegay in xitaa Afrika marka la jogo loo addgsado  Hab miino baaris ah.




xayawaanka jiirka ,ayaa waxaa ay Booliska u adeegsandoonaan in ay cadeeyaan Dadka isticmaala Qorayaha ee xabda rida ,geestana shilalka toogashada ,iyga oo si deg deg ah u sheegaayo qofkasi sida uu u sheegay afhayeenka Policeka Marc Wiebes Tv wadanka ee  Nos




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com