Tuesday, October 15, 2013

Baraawe: Saraakiisha Alshabaab oo Boqolaal Qof oo ay ku jiraan Caruur Qoryo loo dhiibay kula Tukaday Xeebta!Daawo Sawiro


Baraawe(GNA)-Boqolaal qof ayaa saaka salaadii ciida  meel fagaare ah oo ku taala Magaalada  Baraawe kula dukaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halkaasoo khudbado ay ugu jeediyeen.
Barxadda lagu oogay Salaada ayaa aad ugu dhoweyd Xeebta Baraawe oo 5-tii bishan ay Ciidamo Mareykan ah ku weerareen guri ku dhow xeebta oo uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere) iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka mid ahaa saraakiisha la dukaday shacabka magaalada Baraawe.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Shabellaha Hoose ayaa khudbad afka carabi ah u soo jeediyay dadkii halkaasi ku sugnaa, waxaanu ka hadlay dagaalada ay ka soo hoyeen Mujaahidiinta furimaha kala duwan ee Caalamka ay isku hor fadhiyaan Gaalada sida uu yiri.
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii Westgate iyo howl galkii Mareykanka  ee 5-tii bishan lagu qaaday Baraawe, isagoo xusay in weerarkii Westgate aanu aheyn dagaal weyn, balse uu ahaa kaliya fariin ay Mujaahidiinta u dirayeen Kenya.
"Weerarkii Westgate ma aheyn dagaal weyn oo ay Mujaahidiintu qaadeen, wuxuu ahaa fariin aan u direynay Kenya dulmiga iyo cadawtinimada ay ku soo weerartay dhulka Soomaaliya"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii fashilmay ee Ciidamada Mareykanku ku soo qaadeen Baraawe uu ahaa mid ujeedadiisu ahayd in indhaha caalamka looga leexiyo ceebta Kenya ku dhacday, balse difaac lama filaan ah ay la kulmeen kuwii soo qaaday.
Degmada Baraawe, ayaa bilihii u dambeeyay xarun u noqotay xoogaga Ururka Alshabaab, halkaasoo la tuhunsanyahay inay dhamaan hogaamiyeyaasha Ururku haatan joogaan.
Dadka ka soo qayb-galay Munaasibadda Ciida ee ay halkaasi kula hadleen saraakiisha ururku ayaa u muuqday kuwo la dhacsan mabda'ooda siyaasadeed, waxaana ku jiray caruur aad u da' yar-yar oo loogu lebisay Khamiisyo iyo Koofiyaddo, kuwaasoo sida ka muuqata Sawiradda ku gaashaan Quryaha Caaga ah ee caruurtu ku ciyaarto oo dareen ahaan lagu ababinayo Maskaxdooda.





Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com




Daawo Sawiradda