Monday, October 14, 2013

Addis-ababa: Laba qof oo ku dhintay Qarax weyn oo ka dhacay Xaafadda Bolle ee Somalidu ku badantahay


Addis-ababa(GNA)-Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarax ka dhacay Magaalada Addis-ababa ee Caasimada Itoobiya.



Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay Xaafadda Bolle ee ay Somalidu ku badanyihiin.



Ma  jirto cid sheegatay qaraxaasi, balse waxa soo baxaya tuhuna muujinaya inay Kooxaha Dagaalka ka wadda Mandaqadu ka dambeeyaan.



Dawladda Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada ay Ciidamadu ka joogaan waddanka Somaliya, ee aan ka tirsanayn hawl-galka AMISOM.



Cabsi dhanka amaanka ah ayaa dalalka Kullaala somaliya soo food-saaray tan iyo markii weerarka khasaaraha badan geystay lagu qaaday Dhismaha Westgate ee Magaalada Nairobi, halkaasoo weerar ay ku dhinteen in ka badan 67 qof ay ku qaadeen  Maleeshiyo Kooxda Alshabaab ka tirsan muddo saddex todobaad ah ka hor.



Dalalka uu weerarkaasi foojignaanta ku abuuray waxa ka mid ahaa Itoobiya, Yugaandha, Somaliland iyo dalal kale oo badan.



Ururka Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadayaan weerarada noocaas ah ee ay ku waajahayaan waddamada faro-gelinta ciidan ku haya somaliya oo ay u arkaan inay weerar ku yihiin dhulka umadda Somaliyeed.



Dawlada Itoobiya ayaa ku dooday inay dagaal kula jirto Ururka Al-shabaab, wax cabsi ahna aanay ka qabin inay gudaha dalkooda weeraro ka fuliyaan.



Inkasta oo qaraxan caawa dhacay aanay cid sheegatay jirin, balse loo sibir-saarayo cid gabood ku leh Somalida degen Xaafadda Bolle, hadana waxa uu ku soo beegmay xili caawa loo diyaar-garoobaya Munaasibadda Ciidal Adxadda oo ku beegan maalinta Berri oo Salaasa ah.



Sidaasi darteed hadii falkani wax xidhiidh ah la yeesho Somalida ama Mujtamaca Islaamka ee Itoobiya, waxa uu saameyn ku yeelanayaan dhaqdhaqaaqa Dadka Islaamka ah ee Maalmaha  farxadda badan u bilaamayaan.



Kuwaasoo ay Hay’adaha amaanka ee Itoobiya si ka adag sidii hore ula soconayaan  dhaqdhaqaaqoodda, suurto galna ay tahay in qaar badan oo laga shakiyo xabsiyada loo taxaabo,



Cabsi la soo derista dadkaasi ayaa iyaduna ah arin caqabad ku ah inay  si xor ah ugu dabaal degaan Farxadda Maalmaha ciidda, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee Taariikhda inta la xasuusto ay habeenkan oo kale dhacdo noocan ahi Magaaladaasi ka dhacdo.



Waxaana talaabada Saacadaha soo socda ay qaadaan Ciidamada Itoobiya noqon doontaa Cashar cusub oo laga barto habka ay uga hawl-geli karaan arimaha noocan ah, iyagoo aan wax dhibaato ah u geysanayn dadka Rayid ah ama aan waxba galabsan.



Gobanimonews



Lodnon Office



Email: editor@gobanimonews.com