Hargeysa(GNA)-Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama-diid oo ka mid ah Hal-abuuradda reer Hargeysa ayaa 28 bishii August soo saaray Maanso uu ku bogaadinayo Weerarkii dhawaan lagu qaaday xarun Ganacsiyeed ka Magaalada Nairobi ee Westgate.
Abwaanka ayaa Tixdan ku sheegay in weerarkaasi ka dhashay dibin-daabyo iyo Nabsi ay dawladda Kenya ka gashay somaliya uu u yahay wax loogu tusaaleynayo, isagoo xusay in raga weerarkaasi qaaday Geesiyaal xeelad isticmaalay ay yihiin.
Gabaygan oo lagu daabacay Mareeg Islaamiya oo la yidhaahdo Qaadisiya.net, ahna dhegeysi, ayuu hal-abuurku ku sheegay in isagoo tirinta suugaanka iska daayay ay habeenkaasi ku soo dhacday tixda uu soo saaray, isagoo ku tilmaamay inay cashar lama ilaawaan ah u noqotay Kenya iyo xulafadeeda.
Halkan Guji : oo dhegeyso Gabayga Abwaanka cabdi-waaxid-cali gamadiid