Pages

Friday, September 6, 2013

SOM:Dawladda oo Ayiday fulinta qodobada ka soo baxay Shir-weynaha Higsiga 2016 iyo Madaxweynaha oo Mutadawaciin la shaqaysa dalbaday


Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah e somaliya ayaa khudbad ka jeediyay munaasibad lagu soo gabagabeeyay shir mudo shan maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho oo looga hadlayay geedi-socodka higsiga dawladnimo ee 2016-ka, kaasoo ay ka qayb-galeen dad isugu jira wax-garad, aqoonyahan iyo masuuliyiin dawlada ka socota.




Shirkan oo ay ka soo baxeen qodobo door ah oo ku saabsan sidii dalku hore uga dhaqaaqi lahaa halka uu maanta marayo, loona sii ambo qaadi lahaa hawlaha socda, kuwo kalena loo bilaabi lahaa, ayaa madaxweynuhu sheegay in dawladiisu fulinayso dhamaan qodobada ka soo baxay, laakiine wuxuu ku dooday in fulintooda iskaashi looga baahanyahay bulshada somaliyeed.




“ Dawladu way fulinaysaa go’aamada ka soo baxay shirka, laakiinse waxaanu u baahanay dad si mutadawacnimo ah nagula shaqeeya si aynu u fulino, waayo hadii aan si wada jir ah loogu hawl-gelin, wuu guul-daraysan karaa, dib u dhacbaana iman kara”ayuu yidhi.




Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dawladnimada somaliya laga bilaabay meel aan hore wax u jirin, sharci iyo macluumaad kalena aanu jirin “Meesha aynu wax ka bilownay waa zero, qof xafiis fadhiya oo hawsha uu qabanayo markay mushkiladdi la soo deristo ma haysto meel uu ugu noqday iyo nidaam ka soo horeeyay oo uu wax ka tix-raacaa”.




Madaxweyne Sheikh, ayaa ka hadlay qabsoomida Doorashada madaxtinimada ee waddanka oo ka mid qodobada shirka ka soo baxay“go’aamada soo baxay waxa ka mid ah in doorasho qabsoonto 2016-ka, dawlada waxa ka go’an in 2016-kii la gaadho doorasho xor iyo xalaal ah oo qofku u codeeyo cidda uu masuuliyada u dhibanayo, laakiinse waa aragtaan marxladaha inagu gadaaman iyo duruufaha ina horyaala, markaa waa inaynu isweydiino hadii la waayo doorasho one man one vote ah, maxaynu ku bedeli karnaa”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Anigoo madaxweyne maaha inaan iska jeclaado somaliya oo la mid ah Singepore ama Korea, laakiinse waxaa loo baahanyahay inaan ka fikiro sidii horumar lagu gaadhi lahaa, taasoo dhamaanteen xil inaga wada saaranyahay”.




Qodobada ka soo baxay shirka Higsiga 2016, waxa ka mid ah in muddooyin isku dhadhow dalka loo sameeyo Komishano ka shaqeeya Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, in Dawladu la hadasho cid kasta oo mucaarid  ku ah nidaamka dawliga ah, inay wada hadal la furto maamul-goboleedyada somaliya ka jira oo dhan iyo  in la sii wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya.




Shan maalmood ayuu ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay gabagabada kulankaasi ku-xigeenka reysal-wasaaraha Xukuumadda somaliya Foosjiya Yuusuf Xaaji Aadan, ahna wasiirka arrimaha dibada iyo masuuliyiin kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com