Pages

Saturday, September 7, 2013

SOM: Mid ka mid ah Hay’adaha Daba-galka Xisaabaadka iyo Garyqaano Beeniyay Warbixintii Q.M ee Musuqmaasuqa iyo DFS oo soo dhaweysay


Muqdisho(GNA)Mid ka mid ah Hay’addaha Caalamka ugu sareeya ee arrimaha baadhintaanka danbiyada xisaabaadka iyo koox garyaqaanno ah ayaa soo saaray warbixin ay ku daadifeynayaan warbixintii QM ee dabagalka cunaqabateynta dalalka Somalia iyo Eretria, waxaaanay caddeeyeen inaanay Dowladda Somalia wax musuq-maasuq ah sameynin.




Hay’adda Xisaabaadka ee FTI Consulting Inc iyo Kooxda Garyaqaanada Hay’adda Mareykanka ee Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker, P.A , iyagoo jawaabaya warbixintii QM ee ay diyaariyeen bishii Jully Kooxda  dabagalka ee Soomaaliya iyo Eretria ee loo yaqaano Annex 5.2,, waxay sheegeen inay oggaadeen  in habraaca iyo gunnaanadka Warbixinta Annex 5.2 inay aheyd mid “si aad ah wax uga qaldanyihiin, laguna kulsoonaan Karin, waxaanay intaas ku dareen in eedeymaha intooda badan ay ka horreeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waqtigiisa.




Hay’addan ayaa Warbixinta ay ku beeninayaan eedeymaha Qaramada Midoobay, iyagoo qodobaysan u dhigay sidan:-




·         Cambaareyntii ay u soo jeediyeen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Dr Abdisalam Omar doorkiisa hoggaamineed ee Bankiga. Marka la fiiriyo warbixinta baarista Dr Abdisalam Omar waxuu dalbay ballan inuu arko kooxda dabagalka QM ka dib markii ay warbixintooda u gudbiyeen Guddiga Ciqaabaha ee QM. Kulankii koobnaa oo ay kula yeesheen maqaayad buuq badan ma aysan weydiinin eedeymaha warbixintooda ku jirta. Ha yeehsee warbixinta Hay’adda Caalamiga ah ee baaristan danbe waxaa Dr Abdisalam Omar lala yeeshe wareysi socday 9 saacadood.




·          Kooxda Dabagalka QM warbixintooda waxey ku sheegeen in lacagtii Price WaterHouse Coopers ee $16.9 million oo dollar ah ay maqantahay $12 million. Hase yeeshee baarista hay’addan caalamiga ah waxuu caddeeyey in lacagtaas la hayo xisaabteeda oo aysan maqneyn.




·         Warbixinta kooxda Dabagalka QM waxey sheegeysaa inay maqanyihiin hay’adihii si dhab ah u maamulayey bixinta lacagaha, laakiinse Baarista hay’addan caalamiga ah ee baartay warbixintii QM waxey caddeyneysaa in Soomaaliya ay leedahay hay’adihii maamulka iyo maareynta maaliyadda oo leh shuruucdii ay ku shaqeynayeen iyo nidaamkii lagu hubinayey lacagahaas sida ay u baxeen.




Hay’addan Caalamiga ah ee Xisaabaadka iyo kooxda Garyaqaanada waxbaara waxey raaceen nidaamka iyo habka xaqiiqa raadinta ee QM u degsan iyo nidaamka caalamiga ah ee loo maro baarista, dabagalka, iyo wareysiyada dhameystiran waxaana warbixintooda la socda  talo soo jeedin ku socota Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Amniga ee QM.




Talada Soomaaliya ay u soo jeediyeen hay’addan caalamiga ah ayaa ah in la sameeyo nidaam lagu xoojinayo Kontaoolka gudaha iyo habka loo gudbiyo warbixinnada maaliyadda iyo sii muujinta nidaamka maamulka maaliyadda.




Geesta kale, Madaxweynaha somaliya ayaa soo dhaweeyay warbixintan lid ku ah Eedeymaha Q.M.“Madaxweyne ahaan, mas’uuliyad baa iga saran inaan eedeymihii si dhab ah u galo oo aan u dalbano in baaritaan dhab ah la sameeyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu. “Aad baan ugu faraxsannahay in kooxdii aan baarista u diray uu gunnaanad koodii noqday in eedeymahaas ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn.




Madaxeynaha ayaa sidoo kale aqbalay tallooyinka loo soo jeediyey iyo warbixintan ay soo saareen Hay’addan caalamiga ah, waxaanu tilmaamay in dalku horumar ku talaabsaday 22sano ka dib.




“Soomaaliya horumar weyn bey sameysey 22 sano ka dib. Weli waxaa jira howlo badan oo u baahan in la qabto Dowladdeyduna waxey ku dadaali doontaa inay waxii karaankeeda ah ay qabaneyso oo looga hortagayo musuq-maasuqa. Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qarmada Midoobey ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan inay si wanaagsan oo waxtar leh ay noola shaqeeyaan.”ayuu yidhi.




Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee QM waxa lagula taliyey inay dib u eegis ku sameeyaan warbixintoodii 13ka Julay gaar ahaan qeybta Annexe 5.2 iyo inay sameeyaan xakameyn lagu sameynayo kooxda dabagalka ee QM.




Waxa kale oo lagula taliyey in dalalka Warbixinaha laga diyaariyo la siiyo fursad ay ku eegaan warbixinta oo wixii ay u arkaan ay si qoraal ah ku soo gudbiyaan oo la tixgeliyo inta aan warbixinta la shaacinin.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com