Pages

Sunday, September 8, 2013

SL: MADASHA WADA-TASHIGA oo ku gacan-saydhay Go’aanka Dawladu ku Madnuucday Shirweynahooda iyo Mawqifka Waran-cadde


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac , ayaa sheegay inaan go’aanka dawladu ku joojisay shirweynaha qaran ee ay ku baaqeen wax saameyn ah ku yeelanayn shirka talada qaran ee ay dhawaan iclaamiyeen.




Xasan Guure oo Maanta Waraysi kooban siiyay Mareegta Gobanimo News Agency, ayaa intaasi ku daray inaanay ka laabanayn go’aankooda.




“ Go’aanka dawladu waxba kama duwayo hawsha shirweynaha ee aanu ku baaqnay, wax saameyn ahna kuma yeelanayo umana aragno inuu wax ka dhimayo go’aankayaga”ayuu yidhi.




Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure, waxa kale oo uu sheegay inay golle ahaan mar walba diyaar u yihiin wada hadal dhex mara xukuumadda si  ay ugu  gudbiyaan talooyinka ay hayaan iyo inay ka turxaan saaraan xaasaasiyada kala hortimi hindisahooda, inkasta oo uu carabka ku dhuftay inay xukuumaddu hore uga baxday dhexdhexaadin laysugu soo dhaweynayay mudo ka hor.




“ Annagu  mar walba  diyaar-baanu u nahay  inaanu dawlada  la hadalno, horena waanu u aqblanay oo iyadaa ka baxday iminkana diyaarbaanu u nahay, laakiinse annagu hawshayada waanu wadaynaa cidna uga laaban mayno”ayuu yidhi.




Hadalka Guddoomiyaha ayaa wax yar ka dambeeyay kulan albaabadu u xidhanyihiin oo ay maanta isugu yimaadeen Hogaanka sare ee Madasha-wadatashigu , kaasoo aan wax faahfaahin ah laga hayn waxyaabaha lagaga wada hadlay, hase ahaatee sida ay Gobanimonews xogaha ku heshay xubnaha  ka qayb-galay wax iskaga waydiiyeen go’aanka dawladu ka qaadatay shirweynaha ay Iclaamiyeen iyo waliba dar-dar gelinta qabsoomida shirkaasi.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inaanay dawladu aqbalayn shirweyne qaran oo ay shakhsiyaad gaar ahi wataan.




Hadalkan ayuu cali Waran-cadde ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa, ka dib markii Golaha Wakiilladdu ansixiyeen wasiirnimadiisa “ shirweyne qaran waxa qaban kara Goleyaasha Qaranka iyo xukuumadda oo Distoorku u ogolyahay hadii xaalad culusi timaado, laakiinse ashkhaash iyagu talo qaran qaban kartaa ma jirto, markaa saaxiibaday waxaan leeyahay wixii talo iyo tusaalooyin ah diyaarbaanu idiinla nahay, albaabaduna way idiin furanyihiin, laakiinse wixii qaranimadeena waxyeelaya ama sharcigeena ka hor-imanaya waxaan jecelahay inaad ka digtoonaataan oo ay daan danaha qaranka ka hor iman”ayuu yidhi.




Aragtiyahan kala fog ee ka soo baxaya Xukuumadda iyo hogaanka Madasha wada-tashiga, ayaa muujinaya bilowga khilaaf ka sii durugsan arimihii ay hore ugu muransanaayeen Xukuumadda iyo Gollaha wada-tashigu, taasoo ahayd sheegashada Golle ka baxsan Golayaasha dastuuriga ah oo ay xukuumaddu ku doodaysay, taasoo sababtay in Goluhu uga tanaasulo magacaasi, isla markaana la baxo Madasha wada-tashiga.




Khilaafka soo ifaya ayaa haatan u muuqda mid salka ku haya shirweynaha qaran ee Madasha wada-tashigu ku baaqeen badhtamaha bishan aynu ku jirno, kaasoo ay xukuumaddu doonayso inay  ficil kaga hortagto, hadii goluhu ku sii adkeysto.




Ma muuqato isutanaasul labada dhan midkood sameyn karo, balse dadka arimahan oo kale saadaasha ka bixiya ayaa ka dar-daar warinaya natiijada ka dhalan karta hadii ay arintu yooyootanka afka ah ka gudubto, isla maraana aan arimaha laysku hayo meel dhexe laysugu keenin.




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com